HomeWararMadaxweynaha oo soo dhoweeyay qaabka wanaagsan ee ay ku dhacdey doorashada madaxda...

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay qaabka wanaagsan ee ay ku dhacdey doorashada madaxda maamulka ku meel gaarka ee Galmudug

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay baarlamanka maamulka Galmudug, sida wanaagsan ee uu ugu guuleystey qabashada doorashada madaxtinimada ee Maamulka Ku Meel Gaarka ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortey Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, isagoo si gaar ah u soo dhoweeyay qaabka daah-furnaanta iyo sida nabdoon ee ay doorashadu ku qabsoontey.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatey horumar la taaban karo oo ku wajahan baahinta xukunka dowladnimada iyo dhaqangelinta habka federaalka. Doorashada toddobaadkan ee maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug waa tallaabo kale oo horey loogu qaadey dhinaca dhameystirka iyo hirgelinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya. Aniga iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa inaga go’an inaan la shaqeyno Madaxweyne Cabdikariim Guuleed iyo maamulkiisa, si loo dhiso xiriir adag oo lagu xaqiijinayo in shacabka Galmudug iyo gobollada kale ee dalka ay si wadajir ah u hiigsadaan nabad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories