HomeWararKenya oo beenisay inay Alshabaab jidka u galeen Ciiddan gelbinayey gaadiid dadweyne

Kenya oo beenisay inay Alshabaab jidka u galeen Ciiddan gelbinayey gaadiid dadweyne

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Iyadoo ay Warbaahinadda Caalamka iyo kuwa Maxaliga ee Kenya maanta shaaciyeen inay Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ay weerareen ciiddan Kenyan ah oo gelbinaysay dhowr bas oo dad rayid ah waday, kuwaasi oo marayey meel ku dhow Deegaanka Mpeketoni.

Taliyaha Ciiddanka Boliska Kenya, Joseph Boinett ayaa sheegay inay wararkaasi been yihiin.

Hadalkiisa ayaa yimid , kadib, markii ay dad Goobjoogayaal  u sheegeen Warbaahinta inay arkeen weerarka Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku dhex maray duleedka Mpeketoni.

Goobjoogayaasha oo codsaday inaan la magacaabin ayaa u sheegay Wakaalladaha Wararka inay Dagaalamayaasha Alshabaab u adeegsadeen bambooyin iyo qoryo culus weerarkaasi, isla markaana ay tacshiirad ku fureen gaadiidkii ay ciiddanka gelbinayeen.

Weerarkan ayaa yimid hal maalin kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Deegaanka Barwaaqo ee Degmadda Mandera, waxaana weerarkaasi lagu dilay 13 shaqaale ka shaqeeya Kaawada Dhagaxa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inuu weerarkaasi dhacay, iyadoo aan la helin warar dhinaca Sirdoonka oo ka digayo weerarkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya ayaa waxay dhacayaan iyadoo Dowladda Kenya sheegtay  inay Hay’addaha Ammaanka ku jiraan Heegan Sare, si ay uga hortagaan weeraradda Alshabaab ee soo socda.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories