HomeWararEthiopia oo ku goodisay inay Eritrea ka qaadayaan tallaabo, haddaysan joojinin...

Ethiopia oo ku goodisay inay Eritrea ka qaadayaan tallaabo, haddaysan joojinin taageeradda Alshabaab

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Ra’isul-wasaarah Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay inay Eritrea ka qaadi doonaan tallaabadda lama huraanka ah, haddii aysan joojinin deganaansho la’aanta ay ka wadaan Mandiqadda.

Ra’isul-wasaaraha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Barlamaanka Ethiopia, wuxuuna ku eedeeyey Dowladda Eritrea inay weli sii wadaan falaalka lagu carqaladeynayo Ammaanka iyo Nabadda Ethiopia.

Waxa kaloo uu ku celiyey eedeymaha lagu sheego inay Dowladda  Eritrea  taageero toos ah iyo mid dadban siiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu tilmaamay in ay Dowladda Eritrea qalab ka dhiganayso deganaansho la’aanta si ay dareenka dadkeeda uga weeciyaan deganaanshaha la’aanta gudaha Eritrea iyo inuu Maamulkooda ku sii waaro.

Hailemariam Desalegn waxa uu u sheegay Xildhibaanadda inay diyaar u yihiin inay wada-xaajood nabadeed la galaan Madaxda dalkaasi, si loo soo celiyo xiriirka labada dal.

Wuxuuse carrabka ku dhuftay inaysan jirin calaamad  muujinayso  inay Eritrea danaynayaan inuu Gobalka helo nabad buuxda.

Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea waxa dhex maray dagaal socday muddo labo sanno ah, oo ay ku geeriyoodeen  dad lagu qiyaasay 70,000 oo qof.

Sannadkii 2009-kii, QM waxay xayiraad ku soo rogeen Eritrea oo lagu eedeeyey inay Taageero Dhaqaale siiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab, inkastoo ay Dowladda Eritrea beeniyeen arrinkaasi.

Xigasho: SudanTribune

 

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories