HomeWararAlshabaab iyo Ciiddanka Kenya oo ku dagaalamay duleedka Degmadda Mpeketoni

Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya oo ku dagaalamay duleedka Degmadda Mpeketoni

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Saraakiisha Ammaanka ee Kenya iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab jidka u galeen ciiddamo Kenyaan oo gelibinaysay labo bas oo ay dad rayid la soceen duleedka Degmadda Mpeketoni ee Gobalka Lamu. Goobjooge ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP inay Alshabaab hub culus  iyo garnaylo ku weerareen Kolonyadda ay Milliteriga Kenya gelbinayeen, […]

- Advertisement -

Saraakiisha Ammaanka ee Kenya iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab jidka u galeen ciiddamo Kenyaan oo gelibinaysay labo bas oo ay dad rayid la soceen duleedka Degmadda Mpeketoni ee Gobalka Lamu.

Goobjooge ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP inay Alshabaab hub culus  iyo garnaylo ku weerareen Kolonyadda ay Milliteriga Kenya gelbinayeen, inkastoo aan la ogeyn inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

- Advertisement -

Ilo ku dhow Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey weerarkaasi, waxayna sheegeen inuu weli socdo Hwalgalku.

Jidka dheer ee isku xira Lamu iyo Mombasa ayaa laga xayiray gaadiidka, iyadoo ay xiisadi ka taagan tahay.

Bartamihii bishii June ee sannadkii hore, waxay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Degmadda Mpeketoni iyo Tuullooyinka ku hareeraysan, waxaana weeraradaasi ku geeriyooday ilaa 100 qof.

- Advertisement -

Habeen hore ayey ahayd, markii ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerareen Deegaanka Barwaaqo ee hoos tagta Degmadda Mandera, waxaana halkaasi ku geeriyootay 13 nin oo Kenyaan ka shaqeysan jirey Kaawooyinka iyo haweeney ka mid ah Soomaalida-Kenya.

© Radio Dalsan

 

Latest stories