HomeWararGuddoomiyihii Ururka ugu weyn Ardayda Muslimiinta Britain (FOSIS) oo geriyooday

Guddoomiyihii Ururka ugu weyn Ardayda Muslimiinta Britain (FOSIS) oo geriyooday

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Allaha u naxartiistee Bashiir Osman oo ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Ardayda Mujtamacyadda Islaamka ee  wax ka dhigta Jaamacadaha iyo Kulliyadaha  ku yaalla dalka Britain (FOSIS) ayaa ku geeriyooday shil gaari oo dhawaan ka dhacay dalka Switzerland. Hadal qoraal oo ka soo baxay Guddiga Fulinta ee Ururka FOSIS ayey ku shaaciyeen inuu Bashiir Osman oo 25 jir […]

- Advertisement -

Allaha u naxartiistee Bashiir Osman oo ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Ardayda Mujtamacyadda Islaamka ee  wax ka dhigta Jaamacadaha iyo Kulliyadaha  ku yaalla dalka Britain (FOSIS) ayaa ku geeriyooday shil gaari oo dhawaan ka dhacay dalka Switzerland.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Guddiga Fulinta ee Ururka FOSIS ayey ku shaaciyeen inuu Bashiir Osman oo 25 jir ah uu bishan July 4-tii ku geeriyooday shil gaaari, kadib, markii uu ku haftay goob biyo-galeen oo uu gaarigiisa ku dhacay.

- Advertisement -

Kooxaha gurmadka ayaa la sheegay inay maydka marxuumka ka heleen 10-daqiiqo kadib halka uu gaariga kula dhacay.

Guddomiyihii hore ee Ururka Ardaysa FOSIS, Omar Ali waxa uu Marxuumka ku tilmaamay nin ma-daale ah, oo Hawsha qabta isagoo faraxsan oo dhoola-caddaynayo.

Waxa kaloo uu sheegay inuu Marxuumku ahaa nin ay jecel yihiin dhallinta iyo dadka da’da ee ku wada nool Britain iyo Ireland.

- Advertisement -

Xiriirka Ardayda Mujtamacyadda Islaamka ee  wax ka dhigta Jaamacadaha iyo Kulliyadaha  ku yaalla dalka Britain (FOSIS) ayaa waxaa la asaasay sannadkii 1963-kii, waxaana ku mideysan in ka badan 115,000 oo ardayda Muslimiinta ee wax ka barata dalka Britain.

©  Radio Dalsan

Latest stories