HomeWararQaxooti Soomaali iyo Muhaajiriin bilaa Dukumenti oo ku xayiran yihiin xuduudka Meksiko...

Qaxooti Soomaali iyo Muhaajiriin bilaa Dukumenti oo ku xayiran yihiin xuduudka Meksiko la wadaagto Maraykanka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wakiilo ka socday Hay’adda Adeegga Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ee Lutheran ee dalka Maraykanka  (LIRS) ayaa gaaray xuduudka Gobalka Teksas la wadaago dalka Meksiko, halkaasi oo ay ku xoonsan yihiin Qaxooti Soomali ah, Muhaajiriin ay ku jiraan carruur oo aan wax Dukumenti ah wadanin. Hay’adda LIRS ayaa ah Hay’ad taageerta Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ku dhibaataysan Xuduudka […]

- Advertisement -

Wakiilo ka socday Hay’adda Adeegga Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ee Lutheran ee dalka Maraykanka  (LIRS) ayaa gaaray xuduudka Gobalka Teksas la wadaago dalka Meksiko, halkaasi oo ay ku xoonsan yihiin Qaxooti Soomali ah, Muhaajiriin ay ku jiraan carruur oo aan wax Dukumenti ah wadanin.

Hay’adda LIRS ayaa ah Hay’ad taageerta Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ku dhibaataysan Xuduudka Maraykanka la wadaago dalka Meksiko.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda LIRS oo lagu magacaabo Ted W. Goins ayaa u sheegay Wargeyska Salisbury Post inay xuduudka kula kulmeen Qaxooti Soomaali, wuxuuna xusay inay aad u danaynayaan inay u gudbaan xuduudka Maraykanka.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inay Soomaalida u sheegeen inay Somalia ka soo ambabaxeen, oo ay tageen  dalka Koonfurta Afrika, kadibna loo soo tahriibiyey dalka Brazil.

Kooxaha Mukhalisiinta ayaa Qaxootigaasi ka soo gudbiya dhulalka kaymaha leh ee dalalka Peru, Ekwadoor, Kolombiya, ka hor intaysan keenin xuduudka Mekjsiko la wadaago dalka Maraykanka.

- Advertisement -

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay in Qaxootiga Soomaalida haddii ay soo gaaraan Maraykanka inay si dhaqso leh magangelyo Qaxootinimo uga helaan dalka Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray inay dhibaatadu tahay inaysan lahayn waddo fudud oo ay ku gaari karaan Maraykanka.

© Radio Dalsan

Latest stories