HomeWararFAALLO: Maxay Maamulka Puntland ku mucaaradeen Dowlad-gobaleedka Galmudug ?

FAALLO: Maxay Maamulka Puntland ku mucaaradeen Dowlad-gobaleedka Galmudug ?

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Oraah laga filanayey Maamulka Puntland ayey maanta kaga shanqariyeen inaysan aqoonsanaynin Maamulka Galmudug ee Madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed shalay loo doortay. Farriin Siyaasadeed iyo mid Nabadeed ayuu Madaxweyne Guuleed ku dhawaaqay isla markii la doortay, wuxuuna Madaxda Maamulka Puntland iyo Ahlu Sunna Wal-jameeca ku casuumay inay ka wada hadlaan danaha guud ee dadka ku nool […]

- Advertisement -

Oraah laga filanayey Maamulka Puntland ayey maanta kaga shanqariyeen inaysan aqoonsanaynin Maamulka Galmudug ee Madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed shalay loo doortay.

Farriin Siyaasadeed iyo mid Nabadeed ayuu Madaxweyne Guuleed ku dhawaaqay isla markii la doortay, wuxuuna Madaxda Maamulka Puntland iyo Ahlu Sunna Wal-jameeca ku casuumay inay ka wada hadlaan danaha guud ee dadka ku nool Goballadda Dhexe iyo kuwa W/bari.

- Advertisement -

Madaxda Ahlu sunna iyo kuwa Puntland ayaa gaashaanka ku dhuftay inay aqoonsadaan, lana shaqeeyaan Maamulka Galmudug, mana kala cadda ujeedada rasmiga ee ay ku diidan yihiin arrintaasi.

Ergayga Khaaska ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxamed Cabdi Afeey ayaa horey u sheegay inuu Dowlad-gobaleedka Puntland kula ballamay inaysan carqaladeynin Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Laakiinse, Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Gaas ayaa khudbad uu bishan July 1-dii jeediyey ayaa waxa uu ku muujiyey hadalo rajo-xumo ah, wuxuuna ku dooday in xuduudka Puntland ku eg yahay Degmadda Cadaado ee Gobalka Galgaduud, ahna goobtii lagu doortay Maamulka Galmudug.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Madaxda Puntland yihiin Siyaasiyiin ku mideysan mucaaradnimo, isla markaana ay dhaqan ka dhigteen inay ganafka ku dhuftaan arrin kasta oo horumar iyo dan u ah Ummadda Soomaaliyeed.

Beesha Caalamka, gaar ahaan QM, AU, EU, iyo Dowladaha waa weyn sida Maraykanka ayaa soo dhaweeyey Doorashadda Dowlad-gobaleedka Galmudug, waxaana wax lala yaabo ah sababaha ay Puntland uga biyo diidsan yihiin inay iskaashi la yeeshaan Dowlad-gobaleedka Galmudug ee ay deriska yihiin.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Maamulka Puntland danno siyaasadeed ka leeyihiin arrintaasi, isla markaana ay ku ficlayaan Dowladda Federalka oo gacansaar dhow la leh Madaxweynaha Galmudug.

Markaynu isku soo duubno, waa hubaal in Galmudug la heshiin karaan Ahlu Sunna, balse waxay  caqabad kala kulmayaan sidii ay Puntland isku fahmi lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Gaas  ayaa lagu sifeyn karaa inuu gaas kale ku hurinayo Galmudug, isla markaana uusan qiimeynin Gacalka ka dhexeeya dadka ku nool Labada Maamul.

Latest stories