HomeWararMuwaadin Somali oo ku geeriyooday shil ka dhacay Kanada

Muwaadin Somali oo ku geeriyooday shil ka dhacay Kanada

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Maxamed Sharif Abdi oo ahaa Taksiile ayaa aroornimaddii Jimcaha ku geeriyooday shil ka dhacay magaalladda Victoria ee dalka Kanada. Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Marxuumkaasi oo 44 jir ahaa uu geeriyooday, kadib, markii uu gaarigii uu waday herdiyey baal waddada dhinaceeda ku yaallay. Shilkaasi waxaa ku dhaawacmay addex qof oo rakaab ahaa, iyadoo labo ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxamed Sharif Abdi oo ahaa Taksiile ayaa aroornimaddii Jimcaha ku geeriyooday shil ka dhacay magaalladda Victoria ee dalka Kanada.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Marxuumkaasi oo 44 jir ahaa uu geeriyooday, kadib, markii uu gaarigii uu waday herdiyey baal waddada dhinaceeda ku yaallay.

- Advertisement -

Shilkaasi waxaa ku dhaawacmay addex qof oo rakaab ahaa, iyadoo labo ka mdi ah rakaabkaasi soo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana la dhigay Isbitaalka Victoria General Hospital.

Marxuumka oo dareewal ka ah Taksiyadda Jaallaha waxa uu dalka Kanada  yimid sannadihii 1990-aadkii, waana aabe dhalay labo carruur oo da’oodu ka hooseyso 10-jir.

Madaxa Hawlgalladda ee Taksiyadda Jaallaha, Surinder Kang ayaa sheegay inuu Marxuumku  muddo 10-sanno u shaqeynayey Shirkadda, isla markaana kama muuqanin dhibaato dhinaca dareewalnimadda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Boliska ayaa sheegay inay baarayaan Muuqaalka CCTV-ga, si ay u ogaadaan waxa sababay shilkaasi, waxayna hoosta ka xariiqeen inuu Dareewalku garaiga u kaxaynayey xawli ka badan 40 Kiilomitir saacadiiba.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts