HomeWararMasar oo bishiiba Shan Kun oo neef oo lo' ah loo dhoofinayo

Masar oo bishiiba Shan Kun oo neef oo lo’ ah loo dhoofinayo

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowladaha Somalia iyo Masar ayaa kala saxiixday Borotokool lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo sidii dalka Masar bil kasta loogu dhoofin lahaa shan kun oo neef oo lo’ ah. War Saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka beeraha  ee dalka Masar, Saalax Hilaal ayaa lagu sheegay inay isaga iyo dhigiisa Dowladda Federalka Somalia isku af garteen inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladaha Somalia iyo Masar ayaa kala saxiixday Borotokool lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo sidii dalka Masar bil kasta loogu dhoofin lahaa shan kun oo neef oo lo’ ah.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka beeraha  ee dalka Masar, Saalax Hilaal ayaa lagu sheegay inay isaga iyo dhigiisa Dowladda Federalka Somalia isku af garteen inay Dowladda Masar saddex Maxjaar oo lagu xannaaneeyo xoolaha loo dhoofinayo Masar ka dhisaan magaallooyinka Muqdisho, Bosaaso iyo Berbera.

- Advertisement -

Waxa kaloo uu Wasiirku sheegay inay soo diri doonaan Koox Dhakhaatiir ah oo gacan ka geysata baaritaannadda caafimaadka iyo tayada Lo’da loo dhoofinayo dalka Masar.

Wasiirku, waxa uu sheegay in Heshiiskaasi ay si rasmi ah ula saxiixdeen Dowladda Federalka Somalia, balse ma uusan sheegin Heshiiskaasi waqtiga uu ku ekaanayo.

Horey waxay Labada Dowladood u kala saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga, iyadoo Kalluumeysatada Masar loo fasaxay inay ka jillaaban karaan Xeebaha Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, ma kala cadda fal-celinta ay Maamulladda Somaliland iyo Puntland ka keeni doonaan arrinkaasi, maadaama ay isku arkaan in loo baahan yahay in iyaga si toos ah loogala soo xiriiro, inta loo soo mari lahaa Dowladda Federalka Somalia oo uu Caalamka aqoonsan yahay. masar 2 MASAR IYO SOMALIA 1

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts