HomeWararFalaanqeyn: Musharax C/kariim Xuseen Guuleed oo ku guuleystay Madaxweynenimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug

Falaanqeyn: Musharax C/kariim Xuseen Guuleed oo ku guuleystay Madaxweynenimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Loolan adag oo aan la filayn ayaa waxa uu maanta dhex maray lixdii Musharax ee isku soo taagay Xilka mdaaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug. Musharixiinta waxay u muuqdeen kuwo aan kala liidanin, inkastoo Wareegii Koowaad ay ku hareen saddex Musharax oo uu Jeneral Cabdi Qeybdiid ugu miisaan cuslaa. Wareeggii Labaad waxaa isku soo haray Musharixiinta Axmed […]

- Advertisement -

Loolan adag oo aan la filayn ayaa waxa uu maanta dhex maray lixdii Musharax ee isku soo taagay Xilka mdaaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Musharixiinta waxay u muuqdeen kuwo aan kala liidanin, inkastoo Wareegii Koowaad ay ku hareen saddex Musharax oo uu Jeneral Cabdi Qeybdiid ugu miisaan cuslaa.

- Advertisement -

Wareeggii Labaad waxaa isku soo haray Musharixiinta Axmed Macallim Fiqi, C/kariim Xuseen Guuleed iyo Axmed C/salaam Xaaji, kuwaasi oo ah Musharixiinta la saadaaliyey inay isku soo hari doonaan, maadaama ay yihiin Siyaasiyiin caan ah.

Wareeggii saddexaad ayaa waxa isku soo haray Musharixiinta Axmed Fiqi iyo C/kariim Xuseen Guuleed oo iyagu muujiyey dadaal dheeraad ah, isla markaana si xooggan u kala xodxotay codadka Xildhibaanadda.

Intii lagu mashquulsanaa tirinta codadka wareegga  saddexaad, waxa uu Musharax Axmed C/salaam  si kala gooni ah ula tashaday Musharixiinta C/kariim Xuseen Guuleed iyo Axmed Macallim Fiqi, mana kala cadda Ajendaha uu kala hadlay, balse, Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Musharax Axmed C/salaam ka fekerayey Musharaxa uu Xildhibaanadda isaga taageersanaa ugu codeyn lahaayeen.
Goobjoogayaasha la socday dhaqdhaqaaqa goobta codbixinta ayaa sheegay inaysan wax lala yaabo ahayn in Musharax ka haray Wareegga codbixinta in uu Musharixiinta kale kala hadlo si ay Xildhibaanadda isaga u codeeyey ay codkooda u siin lahaayeen Musharaxa kale ee ay Jaal ku yihiin siyaasadda iyo danaha kale.

- Advertisement -

Guuxa la isla dhex marayey Madasha Codbixinta ayaa waxay aad u soo hadal-qaadeen Saamaynta ay Isbahaysiyadda Aala Sheekh iyo Damul-jadiid ku leeyihiin Doorashaddii Madaxtinimadda ee Galmudug.

Waxaana la arkayey Musharixiinta jaalka la ah Isbahaysiyadaasi iyagoo ku mashquulsan Ku-hadalka Telefoonka iyo dirista farriimaha gaagaaban ee SMS, mana kala cadda cidda ay la hadlayeen iyo ujeedada ay ka lahaayeen.

Waa hubaal in xog hoose la isku weydaarsanayey heerka la kala marayo iyo haddii la adeegsan karo xeellado kale, si loo kasbado codadka Xildhibaanadda wax dooranaysay.

Musharax Axmed C/slaam Xaaji Aadan oo isagu horey uga tirsanaa Damul-jadiid ayaa iska fogeeyey xilligii uu ku jiray ololihiisa doorashada, wuxuuna  dhaliilay Siyaasiyiinta ku sidkan Damul-jadiid.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Musharax Axmed C/salaam Xaaji Aadan uu jaal dhow la yahay Culumadda Ahlu Sunnah Wal-jameeca ee Goballadda Dhexe, inkastoo  aysan kala caddayn inuu ayidsan yihiin Maamulka ay ka yegleelayaan Dhuusamareeb iyo in kale.

Wareeggii ugu dambeeyey waxaa isku soo haray Musharaxiinta Axmed Macallim  Fiqi (Aala Sheekh) iyo C/jariim Xuseen Guuleed (Damul-jadiid), waxayna natiijaddu noqotay Musharax Guuleed oo keenay 49 dhibcood iyo Musharax Fiqi oo keenay 40 dhibcood.

Sawaxan iyo damaashaad ayaa ka bilowday Hoolka Doorashadda, iyadoo uu Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir ku xiiqay sidii uu Ergooyinka ugu qanci lahaa inay nidaamka dhowraan.

Guddoomiye Casir  waxa uu ugu dambeyntii ku dhawaaqay inuu Musharaxa C/kariim Xuseen Guuleed ku guuleystay xilka Madaxweynaha cusub ee Dowlad-gobaleedka Galmudug.

©Radio Dalsan

Latest stories