HomeWararMadaxweynaha oo xuska 1-da Luulyo awgeed ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon+Sawirro

Madaxweynaha oo xuska 1-da Luulyo awgeed ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon+Sawirro

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xuska sannad-guurada 55-aad ee xornimada iyo midnimada dalka awgii ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo ay wehliyeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa ubax-dhigga kadib sheegay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii horumarka iyo nabadda, qof walba oo Soomaali ahna looga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xuska sannad-guurada 55-aad ee xornimada iyo midnimada dalka awgii ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa ubax-dhigga kadib sheegay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii horumarka iyo nabadda, qof walba oo Soomaali ahna looga fadhiyo inuu kaalin ka qaato.

- Advertisement -

“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Farxad ayay inoo tahay inaan si nabad ah u qabano munaasabaddan quruxda badan. Si aan horey ugu dhaqaaqno waxaa la inaga rabaa inaan gacmaha is qabsano, inaan qabano shaqo adag iyo nabad dhisid, hawlhaasi oo horseedi doona inaan caalamka maqaam sare ku yeelanno’’, ayu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale fariin u direy warbaahinta , isagoo ugu baaqey inay si xilkasnimo leh uga hadlaan dhacdooyinka waddanka, qeybna ay ka qaataan isku keenista iyo mideynta shacabka.

“Saxaafadda mas’uuliyad ayaa ka saaran inay dalka wax ka dhisaan, nabaddana ka shaqeeyaan. Yaan la isku khaldin xoriyadda saxaafadda iyo warxuma tashiilka. Saxaafadda waa inay noqotaa mid wax dhista, oo ka dhowrsanaata inay tebiso warar kutiri-kuteen ah. Dowladda way taageereysaa shaqada saxaafadda xorta ah, laakiin waa in xornimadaasi ay mas’uuliyad la socotaa oo wararka la tebinayaa ay noqdaan kuwo xaqiiqo ah, dadkana nabadda u horseeda’’.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga bisha Ramadan awgeed uu Ilaahay ka dulqaado culeysyada jira, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad , horumar, nabad iyo barwaaqo.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A2208

IB0A2217

IB0A2237

IB0A2154

IB0A2169

IB0A2304

IB0A2195

IB0A2313

IB0A2309

IB0A2311

IB0A2144

IB0A2373

IB0A2277

IB0A2278

IB0A2317

IB0A2281

IB0A2255

IB0A2285

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts