HomeWararBan Ki-moon oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Xorriyadda iyo Israaca Qaranka...

Ban Ki-moon oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Xorriyadda iyo Israaca Qaranka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ban Ki-moon ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal degayey 55-guuraddii ka soo wareegtay  Maalinta Qaranimadda Somalia oo ku beegan maanta oo ay bisha Luulyo tahay kowda. Munaasabadaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Diplomaasiyiinta Safaaradda Somalia u joogta QM ayaa lagu qabtay magaalladda New York, waxaana ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin iyo Jaalliyadda Soomaalida ku […]

- Advertisement -

Ban Ki-moon ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal degayey 55-guuraddii ka soo wareegtay  Maalinta Qaranimadda Somalia oo ku beegan maanta oo ay bisha Luulyo tahay kowda.

Munaasabadaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Diplomaasiyiinta Safaaradda Somalia u joogta QM ayaa lagu qabtay magaalladda New York, waxaana ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin iyo Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka.

- Advertisement -

Ban Ki-moon waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qeyb galo Munaasabadda, wuxuuna sheegay inuu Ummadda Soomaaliyeed la qeybsanayo Farxadda Maalinta Qaranimadda Somalia.

Ban Ki-moon waxa kaloo uu ka hadlay Safarkii uu Somalia ku yimid sannadkii hore, wuxuuna sheegay inay Somalia dib ugu soo laabanayso Horumarka, Nabadda iyo Deganaanshaha.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa ugu hambalyeeyey Ummadda iyo Dowladda Somalia munaasabadda sannad-guuradda 55-aad ee Maalinta Xorriyadda Somalia.

- Advertisement -

Nicholas Kay waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey dadaalkooda ku aadan sidii dalka Somalia u noqon lahaa mid aad u deggan iyo in lagu guuleysto Hiigsiga Nabadda ee sannadka 2016-ka.

Dhinaca kale, waxa uu u hambalyeeyey Ciiddanka Qaranka Somalia (SNA), Ciiddanka Boliska Somalia (SPF) iyo kuwa AMISOM hawlgalladda ay ugu jiraan sidii loo soo celin lahaa Nabadda iyo Ammaanka dalka Somalia.

 

©Radio Dalsan

Latest stories