HomeWararShirkadda Africa Energy Cooperation oo shaacisay inay joojiyeen Shidaalkii ay ka...

Shirkadda Africa Energy Cooperation oo shaacisay inay joojiyeen Shidaalkii ay ka baarayeen Puntland

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Guddoomiyaha ahna Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Africa Energy Cooperation, James Phillips ayaa shaaca ka qaaday inay Maamulka Puntland ka heleen Ogeysiis ay ugu baaqeen inay gebi ahaan joojiyaan Hawlihii Shidaal-baarista ee ay Puntland ka wadeen.

War Saxaafadeed uu soo saaray James  Phillips ayaa waxa uu ku muujiyey inay Maamulka Puntland u muujiyeen dareenkooda ku aadan inay isaga baxayaan Heshiis-wadaagii  ay Shirkadda Africa Energy shidaalka kaga baaraysay labada deegaan Dooxadda Daroor iyo  Nugaal.

Shirkadda Africa Energy Cooperation oo laga leeyahay dalka Kanada ayaa waxay bishii January ee sannadkii 2007-dii hawl shidaal-baaris ah ka bilowday gudaha Deegaanadda hoos taga Maamulka Puntland, kadib, markii ay Heshiis Saami-qeybsi kala saxiixdeen Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, C/raxmaan Faroole.

Dhinaca kale, Qoraal ay Wakaalladda Batroolka iyo Macdanta ee Puntland dhawaan u direen Madaxda Shirkadda Africa Energy Cooperation ayaa waxay ku sheegeen in Heshiiskaasi loo joojiyey sababo la xiriira Xiisadda Siyaasadeed ee Somalia, gaar ahaan muranka Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Puntland ee sharci ahaanshaha Heshiisyadda ay Maamulka Puntland la galaan Shirkaddaha Calaamiga.

Shirkadda Africa Energy Cooperation oo laga leeyahay dalka Kanada ayaa ah Shirkad ka shaqeeysa baaritaanadda iyo wax-soo-saarka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories