HomeWararDowladda Federalka oo la sheegay inay ka laabatay dacwaddii Muranka Xuduud-baddeedka...

Dowladda Federalka oo la sheegay inay ka laabatay dacwaddii Muranka Xuduud-baddeedka ee kala dhexeeyey Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Amina Mohamed oo ayaa sheegtay inay Dowladda Somalia oggolaatay inay xaal-mastuur ku dhamaystaan muranka dhinaca Xuduud-baddeedka ee horey loogu gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda  (The International Court of Justice) oo loo soo gaabiyo  ICJ . Amina Mohamed oo la hadashay Mudanayaasha Barlamaanka Kenya ayey sheegtay inay rajeynayso inay labada dowladooda […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Amina Mohamed oo ayaa sheegtay inay Dowladda Somalia oggolaatay inay xaal-mastuur ku dhamaystaan muranka dhinaca Xuduud-baddeedka ee horey loogu gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda  (The International Court of Justice) oo loo soo gaabiyo  ICJ .

Amina Mohamed oo la hadashay Mudanayaasha Barlamaanka Kenya ayey sheegtay inay rajeynayso inay labada dowladooda ka heshiiyaan dacwadaasi muddada dheer soo jiitamaysay.

- Advertisement -

“Waxaan Dowladda Federalka Somalia ka helnay ballanqaad ku aadan inay ka laabteen Kiiskii ay ku buuxiyeen magaalladda New York ee naga dhanka ah” ayey tiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya oo intaasi ku dartay inay Dowladda Somalia doonayso inay labada dal si gaar ah uga xaajoodaan arrimaha Xuduud-baddeedka.

Dowladda Somalia ayaa waxay horey ashtako u gudbisay  Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ICJ oo ku aadan muranka dhinaca Xuduud-baddeedka la isku haysto oo ku yaalla Badweynta Hindiya, lana sheegay inay ka buuxaan kaydadka  Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.

Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa horey ugu heshiin waayey Xuquuqda Sahminta Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga iyo macaashka laga heli doono Shidaalka.

- Advertisement -

Barlamaanka Dowladda Federalka Somalia ayaa horey gaashaanka ugu dhuftay Heshiis Is-faham oo horey loola galay Dowladda Kenya, kuna aadanaa xuduud-baddeedka sida ku cad Sharciga Baddaha ee Convention on the Law of Sea (UNCLOS).

Sannadkii 2012-kii, Dowladda Kenya waxaa lagu eedeeyey inay si sharci-darro ah kula heshiisay Shirkadaha Shidaalka ee TOTAL iyo ENI  inay  shidaal iyo gaas  ka baaraan xuduud-baddeedka Somalia, inkastoo ay Kenya beenisay eedeymahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya waxay sheegtay inay 8 goobood oo cusub oo ka baxsan Xeebaha ay ka heleen Kaydad Shidaal, inkastoo mid ka mid ah goobahaasi uu ku yaall goobaha lagu murunsan yahay  milkiyadeeda.

Links:- http://www.businessdailyafrica.com/Kenya--Somalia-in-talks-to-end-border-row-out-of-UN-court/-/539546/2769464/-/k769ojz/-/index.html

Latest stories