HomeWararDiplomaasi eedeyn iyo talo u jeediyey Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia

Diplomaasi eedeyn iyo talo u jeediyey Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Danjirihii hore ee Somalia uga wakiilka ah dalka Senigal, Ambassador Maxamed Xuseen Awliyo ayaa si mutuxan ugu dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu hagar-daamo ku hayo Ururka Ahlu Suna Wal-jameeca ee Goballadda Dhexe. Isagoo Suxufiyiinta kula hadlayey caasimadda dalka Uganda ee Kampala, waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha […]

- Advertisement -

Danjirihii hore ee Somalia uga wakiilka ah dalka Senigal, Ambassador Maxamed Xuseen Awliyo ayaa si mutuxan ugu dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu hagar-daamo ku hayo Ururka Ahlu Suna Wal-jameeca ee Goballadda Dhexe.

Isagoo Suxufiyiinta kula hadlayey caasimadda dalka Uganda ee Kampala, waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha DFS ku eedeeyo inuusan si xaq ah ku maamulin Ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hagardaamo iyo gacan bidixeyn xaq-darro ah kula dhaqmo Ahlu-sunna, isla markaana uu Faragelin ka dhex wado Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe.

Danjire Awliyo, waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka waantoobo arrimahaasi iyo inuu caddaalad ku maamulo Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku goodiyey inuu Kacdoon la mid ah kan ka dhacay Dhuusamareeb oo kale ka dhici doono magaalladda Muqdisho, waa sida uu hadalka u yiri.

Mas’uulkaasi waxa uu xilka Danjirenimo ee uu haatan  ku magacaaban yahay waxa uu ka helay Saami-qeybsigii Urur-diimeedka Ahlu Sunna Wal-jameeca ka soo gaaray Heshiiskii Awood-qeybsiga ee ay la galeen Dowladdii KMG ee uu Madaxweynuhu ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

- Advertisement -

© Warqabadka Radio Dalsan

 

Latest stories