HomeWararCiiddanka Kenya oo lunsaday boqolaal loor oo sonkor laga soo dejiyey Dekedda...

Ciiddanka Kenya oo lunsaday boqolaal loor oo sonkor laga soo dejiyey Dekedda Kismaayo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Saraakiisha sahminta Sonkorta sida kontorobaanka looga gudbiyo Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia ayaa ku eedeynaya Ciiddanka Kenya inay lunsadeen 370 loor oo Sonkor Kontrobaan ah, oo lagu xareeyey Saldhigga Milliteriga ee Mandera. Sonkortaasi ayaa la sheegay in laga soo dejiyey Dekedda Kismaayo, balse aan la ogeyn sida loogala baxay Saldhigii lagu kaydiyey. Sarkaal ka tirsan […]

- Advertisement -

Saraakiisha sahminta Sonkorta sida kontorobaanka looga gudbiyo Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia ayaa ku eedeynaya Ciiddanka Kenya inay lunsadeen 370 loor oo Sonkor Kontrobaan ah, oo lagu xareeyey Saldhigga Milliteriga ee Mandera.

Sonkortaasi ayaa la sheegay in laga soo dejiyey Dekedda Kismaayo, balse aan la ogeyn sida loogala baxay Saldhigii lagu kaydiyey.

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan kuwa loo xil-saaray ka-hortagga Kontorobaanka, oo lagu magacaabo Aadan Guure ayaa sheegay inay doonayeen inay shixnadda sonkorta Kontorobaanka nacfi-beel ka dhigaan, balse ay Ciiddanka jooga Saldhigga u diideen inay arkaan halka la dhigay Sonkortii Kontorobaanka.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo ayaa sheegay inaysan Ciiddanka mas’uul ka ahayn alaabta Kontorobaanka, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in Boliska lagala xiriiriyo arrintaasi.

Sarkaalka madaxda ka ah Ciiddanka Dembi-baaritsa ee Mandera, David Wangai ayaa sheegay in ay Shixnad ka kooban 200 oo loog Sonkor ah la qabtay bartamihii bishan, halka 170 kalena la qabtay Jimcihii la soo dhaafay.

- Advertisement -

Sarkaalka waxa uu intaasi ku daray inay Shixnadaha Sonkorta ee ay qabteen la dhigay Xeradda Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Mandera.

QM iyo Machadka Difaaca ayaa horey ugu eedeeyeey Ciiddanka Kenya inay ku lug leeyihiin Sonkorta kontrobaanka ee laga soo gudbiyo xuduudka ay Kenya iyo Somalia wadaagaan iyo Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda magaalladda Kismaayo.

Latest stories