HomeWararAlshabaab oo lagu eedeeyey inay Ardayda Jaamacadda University of Nairobi siiyaan...

Alshabaab oo lagu eedeeyey inay Ardayda Jaamacadda University of Nairobi siiyaan mushaar joogto ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxa Xarunta Dhexe ee Qaranka Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, Isaaq Ojiyeng ayaa hadalkaasi sheegay, wuxuuna xusay in Ardayda wax ku barata Dugsiyadda Sare iyo Jamaacaddaha Kenya in loo qoray si ay ugu biiraan Ururradda Xag-jirayaaasha. Waxa uu sheegay inay hayaan xog dhinaca Sirdoonka oo ku saabsan inay Arday dhigata Jaamacadda Nairobi […]

- Advertisement -

Madaxa Xarunta Dhexe ee Qaranka Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, Isaaq Ojiyeng ayaa hadalkaasi sheegay, wuxuuna xusay in Ardayda wax ku barata Dugsiyadda Sare iyo Jamaacaddaha Kenya in loo qoray si ay ugu biiraan Ururradda Xag-jirayaaasha.

Waxa uu sheegay inay hayaan xog dhinaca Sirdoonka oo ku saabsan inay Arday dhigata Jaamacadda Nairobi inay mushaar ka qaataan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay tahay arrin laga xumaado, wuxuuna ka digay inay Hay’adda Sirdoonka gacanta ku soo dhigi doonaan Ardayda Xag-jirayaasha ah.

Hadalkiisa ayaa yimid dhowr bilood kadib, markii Arday dhigan jiray Jaamacadda University of Nairobi ka mid ahaa Dagaalamayaashii Alshabaab ee bilowgii bishii April weerarka ku qaaday Jaamacadda Garissa, laguna dilay 149 qof oo Arday u badnayd.

Ardaygaasi oo la oran jirey Mohammed Abdirahim Abdullahi, laguna naanaysi jirey Alabamo ayaa waxa uu dhigan jirey Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda University of Nairobi, wuxuuna ahaa wiil  uu dhalay Abdullaahi Daqare oo ah Caaqilka Deegaanka Buula Jamhuuriya ee Degmadda Mandera.

- Advertisement -

Links: http://www.nation.co.ke/news/University-Students-Recruitment-Al-Shabaab/-/1056/2769524/-/ier3ruz/-/index.html

Xigasho: Daily Nation

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories