HomeWararMadaxweynaha oo beeniyey in laga laabatay dacwadda muranka xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya

Madaxweynaha oo beeniyey in laga laabatay dacwadda muranka xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khud ka jeediyey Fadhigii Barlamaanka Federalka ayaa sheegay inay weli taagan tahay  dacwaddii ay u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Garsoork ee ICJ oo ku aadan muranka dhinaca xuduudka badda ee  kala dhexeeya Dowladda Kenya. Madaxweynaha waxa uu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u hortegi lahaayeen Maxkamadda ICJ […]

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khud ka jeediyey Fadhigii Barlamaanka Federalka ayaa sheegay inay weli taagan tahay  dacwaddii ay u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Garsoork ee ICJ oo ku aadan muranka dhinaca xuduudka badda ee  kala dhexeeya Dowladda Kenya.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u hortegi lahaayeen Maxkamadda ICJ oo la filayo inay Dhegeysiga Koowaad furto sida lagu madalsan yahay sannadkan gudihiisa.

- Advertisement -

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kenya horey u diiday in si hoose loo xaliyo murankaasi la xiriira Milkiyadda xuduud-baddeedka la isku haysto oo ku yaalla Badweynta Hindiya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay, una muuqda inuu jawaabcelin dadban u yahay hadalkii ay Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Amina Mohamed ka sheegtay Barlamaanka Kenya ee ahaa  inay Dowladda Federalka Somalia oggolaatay in si xaalmastuur ah ay labada Dowladooda uga wada xaajoodaan murankaasi.

Dowladda Federalka Somalia waxay sannadkii la soo dhaafay dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garoorka (The International Court for Justice) oo ay xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda The Hague ee dalka The Netherlands ama Holland.

- Advertisement -

Sidoo kale, Barlamaanka Dowladda Federalka Somalia ayaa horey gaashaanka ugu dhuftay Heshiis Is-faham oo horey loola galay Dowladda Kenya, kuna aadanaa xuduud-baddeedka sida ku cad Sharciga Baddaha ee Convention on the Law of Sea (UNCLOS).

Muranka Xuduud-baddeedka la isku haysto oo ku yaalla Badweynta Hindiya, ayaa la rumeysan yahay inay ka buuxaan kaydad Shidaalka  iyo Gaaska Dabiiciga.

Sannadkii 2012-kii, Dowladda Kenya waxaa lagu eedeeyey inay si sharci-darro ah kula heshiisay Shirkadaha Shidaalka ee TOTAL iyo ENI  inay  shidaal iyo gaas  ka baaraan xuduud-baddeedka Somalia, inkastoo ay Kenya beenisay eedeymahaasi.

Latest stories