HomeWararQM oo soo dhaweysay Dhismaha Barlamaanka Galmudug

QM oo soo dhaweysay Dhismaha Barlamaanka Galmudug

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa bogaadiyey doorashadda Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, kaasi oo bishan 27-dii lagu doortay doorasho ka dhacday Xarunta Shirweynaha Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ee magaalladda Cadaado.

Nicholas Kay waxa uu bogaadiyey Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Galmudug, Ali Gacal Casir, wuxuuna sheegay inay doorashadaasi tahay tallaabo muhiim u ah Dhismaha Dowlad-gobaleedka Goballadda Dhexe.

Dhinaca kale, Nicholas Kay waxa uu bogaadiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee Dowladda Federalka, C/raxmaan Maxamed Odawaa’, Guddiga Farsamada iyo xubnaha Barlamaanka Galmudug qaabka dheelitiran ee ay u dhacday Doorashaddii Hoggaanka Barlamaanka Federalka.

Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia., waxa uu sheegay in Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) sii wadi doono taageeradda buuxda ee ay u hayaan  dadaalka lagu dhisayo Maamul-gobaleedkaasi, iyadoo la filayo in Doorashadda Madaxtinimadda qabsoonto sida uu jadwalku yahay bisha soo socota ee Luulyo 4-da oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota.

© Warqabadka Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories