HomeWararMusharixiinta Loolanka Madaxtinimadda Galmudug oo ololihii ugu dambeeyey ku jira

Musharixiinta Loolanka Madaxtinimadda Galmudug oo ololihii ugu dambeeyey ku jira

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Xamaasadda Doorashadda Madaxtinimadda ee Madaxweynaha cusub ee Dowlad-gobaleedka curdanka ee Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan Goballadda Dhexe. Musharixiinta ayaa muujinaya Bandhigooda Siyaasadeed, si ay ugu guuleystaan Doorashadaasi oo dhici doono maalinta Sabtida ee soo socota. Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug ayaana laga dhowrayaa inay u codeeyaan Musharaxa u qalma inuu hoggaamiyo […]

- Advertisement -

Xamaasadda Doorashadda Madaxtinimadda ee Madaxweynaha cusub ee Dowlad-gobaleedka curdanka ee Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan Goballadda Dhexe.

Musharixiinta ayaa muujinaya Bandhigooda Siyaasadeed, si ay ugu guuleystaan Doorashadaasi oo dhici doono maalinta Sabtida ee soo socota.

- Advertisement -

Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug ayaana laga dhowrayaa inay u codeeyaan Musharaxa u qalma inuu hoggaamiyo Dowlad-gobaleedka KMG ee Galmudug ee laga yegleelayo Goballadda Dhexe ee Somalia.

Beesha Caalamka oo iyagy maalgelinayo Shirweynaha Maamul-u-samaynta Galmudug , waxay u riyaaqsan yihiin hannaanka ay ilaa iyo haatan wax ku socdaan iyo beegsiga ugu dambeeya ee lagu dooranayo Madaxweynaha Galmudug.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Kay waxa uu soo dhaweeyey Doorashadda Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, wuxuuna sheegay inay QM diyaar u tahay sidii uu ku najaxi lahaa Dhismaha Galmudug.

- Advertisement -

Markaynu u soo laabano Dhaqdhaqaaqyadda ka socda magaalladda Cadaado, waxaa maanta lagu hawlan yahay sidii loo soo xuli lahaa Guddiga Khaaska ee Maamulka Doorashadda Madaxweyninimadda Galmudug.

Musharixiinta ayaa la hadal-hayaa inay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah, kuwo ku fashilmay Siyaasadda iyo kuwo Mar-la-arag ku ah Masraxa Siyaasadda ee Somalia, waana hubaal in ay Bulshadda Galmudug u han weyn yihiin Halyeey Waddani oo u qalma xilkaasi.

Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi oo horey u soo noqday Taliyihii Hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo Danjirihii  Somalia u joogay dalka Sudan ayaa hayinka u haya Musharixiinta u taagan Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug.

© Radio Dalsan

Latest stories