HomeWararMadaxweynaha oo shacabka Djibouti ugu hambalyeeyay xuska 38-guurada ka soo wareegtey xornimadooda

Madaxweynaha oo shacabka Djibouti ugu hambalyeeyay xuska 38-guurada ka soo wareegtey xornimadooda

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 38-aad ee ka soo wareegtey xornimada dalka Djibouti u direy Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhammaan shacabka reer Djibouti meel kasta oo ay joogaan.

‘’Waxaan walaalaheena reer Djibouti la qeybsaneynaa xuskan qiimaha leh iyo farxadda sannadguurada 38-aad ee xornimada. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan ummadda Soomaaliyeed waxaan idin soo gudbinayaa hambalyada munaasabaddan, waxaana shacabka reer Djibouti u rajeynayaa horumar, midnimo iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha .
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Djibouti ay ka soo dhalaashey kaalinteeda walaaltinimo iyo derisnimo si ay u caawiso Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in shacabka Soomaaliyeed aaney taasi marnaba ilaabi doonin.
‘’Shacabka iyo dowladda Djibouti waxay inoo qabteen wax weyn, dadaal dheerna waxay u galeen sidii aan uga bixi lahayn colaadihii iyo xasaradihii waddankeena ka aloosnaa, welina dadaalkaasi way wadaan. Reer Djibouti si hagar la’aan ah ayay walaalahooda dhibaateysan ee Soomaaliya uga warqabeen, uguna soo gurmadeen, abaal aan la iloobi karin ayaan uga haynaa dadaalkaasi iyo geesinimada ay inoo muujiyeen’’.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh u rajeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti in xuskan kiisa xiga ay ku gaaraan caafimaad iyo barwaaqo.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories