HomeWararGaryaqaano soo bandhigay qorshe lagu sii dayn karo Soomaali ku xiran Maraykanka

Garyaqaano soo bandhigay qorshe lagu sii dayn karo Soomaali ku xiran Maraykanka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Saddex Dahallinyarro Somali Maraykan ku eedeysan inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish ayaa codsanayo in la sii daayo, ilaa laga gaarayo xilliga laga soo maxkamadeynayo. Garyaqaanadda u doodaya Eedeysanayaasha ayaa soo bandhigay qorshe ku aadan in saddexda dhallinyaro lagu rakibo qalabka Elektoroonikadda ee lagula soconayo Dhaqdhaqaaqooda. Eedeysanayaasha ayaa sheegay haddii uu Garsoore sii daayo  inay doonayaan […]

- Advertisement -

Saddex Dahallinyarro Somali Maraykan ku eedeysan inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish ayaa codsanayo in la sii daayo, ilaa laga gaarayo xilliga laga soo maxkamadeynayo.

Garyaqaanadda u doodaya Eedeysanayaasha ayaa soo bandhigay qorshe ku aadan in saddexda dhallinyaro lagu rakibo qalabka Elektoroonikadda ee lagula soconayo Dhaqdhaqaaqooda.

- Advertisement -

Eedeysanayaasha ayaa sheegay haddii uu Garsoore sii daayo  inay doonayaan inay ku mashquulaan Diinta, inay si mutadawacnimo ugu adeegaan Bushadda,  iyo inay ciyaaraan Kubbadda Kolayga.

Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Soomaali-Maraykanka oo ay ku jiraan Iimaamyadda ayaa sheegay in il gaar ah lagu hayo dadka lagu tuhunsan yahay inay ku biiri karaan Kooxda Daacish, si loo hubo inaysan dhibaatooyin geysanin.

Khubarada La-dagaalanka Argagixisadda ayaa si gaar ah ula socda Horumarka ka socda magaalladda Minneapolis, iyadoo uusan dalka Maraykanka ka jirin Barnaamij lagu dhaqan-celinayo Eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay Argagixisadda.

- Advertisement -

Garyaqaanadda ayaa la filayaa inay qorshahooda u gudbiyaan Maxkamadda, si loo sii daayo Eedeysanayaasha lagu kala magacaabo Hamza Ahmed,Hanad Musse iyo Zakariya Abdirahman.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Xeer-ilaalinta Maraykanak ee magaalladda Minneapolis waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo Hindisahan, iyadoo Xeer-ilaaliyayaasha rajeynayaan inay Kiixkaasi dhegeysttaan ka hor bisha July 8-da ee sannadkan.

Dhinaca kale, haddii Eedeysanayaasha loo oggolaado in lagu hayo Xabsi-guri, waxaa lagu rakibi doonaa qalabka lagula soconayo, waxaana loo oggolaan doonin inay isticmaalaan qalabka Elektoroonikadda sida Mobaylada iyo Internetka.

Xigasho:-mprnews.org

Latest stories