HomeWararDowladda Burundi oo qiratay in ka badan 50 Askari looga dilay Saldhigga...

Dowladda Burundi oo qiratay in ka badan 50 Askari looga dilay Saldhigga AMISOM ee Leego

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Afhayeenka Milliteriga dalka Burundi, Colonel Gaspard Baratuza ayaa ka hadlay Khasaarihii soo gaaray Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku weerareen Xeradda AMISOM ee Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose.

Afhayeenka Colonel Gaspard Baratuza oo caasimadda dalka Burindi ee Nujunmbura kula hadlay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa  waxa uu qiray in ka badan 50-Askari looga dilay weerarkaasi, bale waa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin kale bixiyo.

Hadalkaasi ayaa waxa uu soo baxay, kadib, markii uu Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage “ Sheekh Cali Dheere” sheegay inay Kontameeyo Askari oo Burundian ah ku dileen weerarkii Leego.

Dhinaca kale, Ciiddanka AMISOM ayaa abaabul xooggan ugu jira sidii ay guluf cusub ugu qaadi lahaayeen Dagaalamayaasha Alshabaab oo la sheegay inay weli ku sugan yihiin Saldhiggii AMISOM ee Deegaanka Leego.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay xaalladdu deggan tahay, isla markaana ay Dagaalamayaasha Alshabaab soo buux-dhaafsadeen Saldhiggii AMISOM iyo dhowr Kontorool oo ku yaalla gudaha Deegaanka Leego.

© Warqabadka Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories