HomeWararMadaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka cusub ee maamulka Galmudug

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka cusub ee maamulka Galmudug

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka cusub ee loo sameynayo gobollada dhexe, kaas oo lagu dhaariyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha baarlamankan cusub ay ka tarjumeyso horumarka laga sameynayo dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka ee uu waddanku qaatey. ‘’Shacabka gobollada dhexe waa cusub […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka cusub ee loo sameynayo gobollada dhexe, kaas oo lagu dhaariyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha baarlamankan cusub ay ka tarjumeyso horumarka laga sameynayo dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka ee uu waddanku qaatey.

- Advertisement -

‘’Shacabka gobollada dhexe waa cusub ayaa u baryey, shaqo badan ayaana sugeysa. Dhismaha baarlamanka waa bilowga dhismaha maamul buuxa oo degaanadaasi ay yeeshaan mustaqbalka. Waxaan shacabka gobolladaasi u sheegayaa inay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan oo ah inay rabitaankooda ku soo doortaan cidda ay doonayaan inay hoggaamiso, iyadoo Dowladda Federaalkana ay diyaar u tahay in cid kasta oo la soo doortaa ay la shaqeyso’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhisan tahay dib u heshiisiin iyo nabadeyn, isla markaana aaney marnaba dowladda taageeri doonin maamul carqalad gelinaya amniga maamul kale oo dalka ka jira.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts