HomeWararShirweyne Calaami ah oo looga arrinsanayo Xawaaladaha Soomaalida iyo Horumarinta oo...

Shirweyne Calaami ah oo looga arrinsanayo Xawaaladaha Soomaalida iyo Horumarinta oo lagu qaban doono Addis Abeba

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka Somalia, Jabuti, Kenya, Uganda, Ethiopia iyo Sudan ayaa la filayaa inay bilowga bisha soo socoto Kulan Khaas ah ku yeeshaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba. Urur-gobaleedka Ka hortaga Abaaraha iyo Horumarka ee IGAD ayaa qabanqaabinayo Kulankaasi oo la filayo inay ka soo qeyb galaan Madax Caalami ah. Shirkaasi oo ah […]

- Advertisement -

Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka Somalia, Jabuti, Kenya, Uganda, Ethiopia iyo Sudan ayaa la filayaa inay bilowga bisha soo socoto Kulan Khaas ah ku yeeshaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Urur-gobaleedka Ka hortaga Abaaraha iyo Horumarka ee IGAD ayaa qabanqaabinayo Kulankaasi oo la filayo inay ka soo qeyb galaan Madax Caalami ah.

- Advertisement -

Shirkaasi oo ah Kii Saddexaad ee Caalamiga ee looga hadlayo Maaliyadda iyo Horumarinta ayaa la filayaa in dib loogu qiimo xiriirka u dhexeeya Xawaaladaha iyo Ammaanka Cuntadda ee Gobalka.

Xoghayaha Fulinta ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuiub Macallim ayaa sheegay in Shirka Wasiiradda Maaliyadda lagu dejin doono Siyaasadda  lagu xaqiijinayo Xawaaladaha iyo doorka ay ku leeyihiin Horumarinta Gobalka.

Khubarada ka soo qeyb galayso Miiska Wada xaajoodka Maaliyadda waxay dib u eegi doonaan Sharciyadda Bangiyadda dalalka Maraykanka, Britain iyo Australia ee ku aadan qaabka  loo xawilo Lacagaha ama Shirkadaha Xawaaladaha.

- Advertisement -

Bishii February ee sannadkan, Bangiyadda ugu waa weyn  dalalka Maraykanka, Britain iyo Australia ee fududeeya Lacagaha loo soo xawilo Somalia ayaa waxay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida, iyadoo laga cabsi-qabo in Lacagaha loo gudbiyo waxa loogu yeeray Kooxaha Argagixisadda.

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories