HomeWararNin Jamaican ah oo sheegay inuu gabadha Barack Obama yarad ahaan...

Nin Jamaican ah oo sheegay inuu gabadha Barack Obama yarad ahaan u siinayo beer lagu beeray Daroogadda Marijuuana.

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Roy Chambers oo ah Beeraley u dhashay Jamaica ayaa soo bandhigay inuu 10-acres ee lagu beeray daroogadda Marijuana Yarad ahaan uu siinayo Malia Obama si uu wiilkiisa u guursado.

Waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in Malia Obama iyo wiilkiisa 17 jirka ah dhisi karaan Lammaanayaal iyo qoys cajiib ah.

- Advertisement -

“Beertayda ku beeran Marijuana ayaa ah waxa ugu qiimaha badan ee aan haysto, laakiin waxaan doonayaa inuu siiyo Madaxweyne Obama, si aan Madaxweyne Obama uga bedesho  gabadhiisa quruxda badan si uu wiilkayga u guursado” ayuu yiri Roy Chambers.

Waxa uu sheegay inuu doonayey inuu codsigiisa u gudbiyo Madaxweyne Obama oo dhowr bilood ka hor booqasho ku tegay dalka Jamaica, wuxuuna ku cataabay inay Ciiddanka Ammaanka ka hor joogsadeen inuu la kulmo Obama.

Roy Chambers oo u xog waramay  Websaytka 18 Karat Reggae Gold waxa uu tilmaamay inuu qoraal  caadi ah iyo E-mail u diray Aqalka Cad, isla markaana uu rajeynayo in si dhaqso leh looga soo jawaabo.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Codsiga Roy Chambers waxay ka dhigaysaa inuu yahay qofkii saddexaad ee isha la raacay Malia Obama.

Waxaa ka horreeyey Labo nin oo u dhalatay dalka Kenya, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Garyaqaan Felix Matagei iyo  Jeffole Kishau.

Garyaqaanka waxa u usheegay inuu Malia Obama yarad ahaan u siin doono 50  neef oo lo’ ah, halka Codsaha labaad ee Jeffole Kishau sheegay inuu jecel yahay gabadha Obama,  isla markaana uu yarad ahaan u bixin doono 500 oo neef oo lo’ ah.

© Radio Dalsan

Latest stories