HomeWararMaraykanka oo lagu xiray nin Somali oo dagaal ka kiciyey Masid lagu...

Maraykanka oo lagu xiray nin Somali oo dagaal ka kiciyey Masid lagu qeybinayey Afur

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabaad C/raxmaan Maxamed ayaa la sheegay inay Boliska xireen, kadib, markii lagu soo oogay inuu kursi ku tuuray nin ka mid ah Hawlwadeennadda Masjidka Abuubakar Sadiiq oo cunto u qeybinayey dad ku sugnaa Masjidka. Boliska waxay sheegeen inuu Eedeysanaha isku dayey inuu toorey la dhaco mid ka mid ah Shaqaalaha ka […]

- Advertisement -

Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabaad C/raxmaan Maxamed ayaa la sheegay inay Boliska xireen, kadib, markii lagu soo oogay inuu kursi ku tuuray nin ka mid ah Hawlwadeennadda Masjidka Abuubakar Sadiiq oo cunto u qeybinayey dad ku sugnaa Masjidka.

Boliska waxay sheegeen inuu Eedeysanaha isku dayey inuu toorey la dhaco mid ka mid ah Shaqaalaha ka adeegsayey qeybinta cuntadda afurka.

- Advertisement -

Eedeysanaha waxa uu markii uu dhibkaasi geystay ka baxsaday Masjidka, wax yar ka hor intaysan Boliska imaanin Masjidka.

Habeenkii Labaad ayey Saraakiisha Boliska yimaadeen agagaarka Masjidka, waxayna Eedeysanaha jeebkiisa dambe ka heleen dhowr mindiyaha nooca isku laabma.

Eedeysanaha oo xabsiga la dhigay ayaa waxa lagu soo oogi doonaa dacwadda heerka labaad ee isku-day weerar iyo inuu dabeecad xun kula dhaqmay dadkii Masjidka ku qeybinayey Afurka.

- Advertisement -

Eedeysanaha waxa uu ka mid ahaa dadkii safka ugu jiray in la siiyo cuntadda afurka ee Masjidka laga bixinayo Bishan Ramadaan.

 

 

 

Latest stories