HomeWararTahriibayaal Soomaali oo ka badbaaday weerar lagu qaaday dooni ku sii jeeday...

Tahriibayaal Soomaali oo ka badbaaday weerar lagu qaaday dooni ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Hal qof ayaa ku geeriyooday, mid kalena si xun ayuu u dhaawacmay, kadib, markii dooni waday Tahriibayaal lagu tacshiiradeeyey meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya.

Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa sheegay in mid ka mid ah Tahriibayaasha ku dhacay Badda, kuna hadftay, halka mid kalena uu dhaawacmay.

Diyaarad Helikopter oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga leeyihiin ayaa la sheegay inay u gurmatay dadkii saarnaa doonyadda la weeraray, waxayna Tahriibihii dhaawacmay oo u dhashay dalka Gambia loo qaaday Isbitaal ku yaalla Jesiiradda Lampedusa.

Dacwad-oogayaashaTalyaaniga ee ku sugan Jesiiradda Sicily ayaa sheegay inay gal-dacwadeed ka fureen kiiskaasi.

Saraakiisha Ilaaladda Xeebaha ee dalka Libiya waxay beeniyeen inay mid ka mid ah doonyahooda ay geysteen toogashadaasi, inkastoo Tahriibayaasha badbaaday sheegeen inay Ilaaladda Xeebaha Libya tacshiirad ka dambeeyeen weerarkaasi.

Dhinaca kale, weerarkaasi ayaa yimid, kadib, markii ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ka tirsan Ururka Midowga Afrika ansiyeen wejiga koowaad ee Hawlgal Milliteri oo lala beegsanayo Kooxaha dadka u soo tahriibiya Xeebaha Koonfurta Europe.

Hawlgalka cusub oo loogu magac daray EN Navfor ataa waxa Xarun dhexe u noqon doonta caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome.

Xigasho:- ANSA News

© Warqabadka Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories