HomeWararMadaxweyne Obama oo Muslimiin afur ugu sameeyey Aqalka Cad

Madaxweyne Obama oo Muslimiin afur ugu sameeyey Aqalka Cad

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

150 qof oo ka mid ah Muslimiinta ku nool dalka Maraykanka ayaa waxaa xalay lagu casuumay inay ka afuraan Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.   Madaxweyne Obama iyo martida Muslimiinta ayaa la sheegay inay ku wada cunteeyeen Miiska Obama.   Hadal uu ka jeedieyy Munaasabadaasi ayaa waxa uu ka hadlay Xorriyadda Diinta, wuxuuna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

150 qof oo ka mid ah Muslimiinta ku nool dalka Maraykanka ayaa waxaa xalay lagu casuumay inay ka afuraan Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.

 

- Advertisement -

Madaxweyne Obama iyo martida Muslimiinta ayaa la sheegay inay ku wada cunteeyeen Miiska Obama.

 

Hadal uu ka jeedieyy Munaasabadaasi ayaa waxa uu ka hadlay Xorriyadda Diinta, wuxuuna xusay in Maraykan ahaan inaan qofna loo beegsanaynin waxa ay yihiin ama waxa ay u eg yihiin, yey jecel yihiin iyo qaabka ay u cibaadaystaan.

- Advertisement -

 

Xubno ka tirsan Muslimiinta ka qeyb gashay Casuumadaasi waxaa ka mid ahaa Labo gabdhood oo Somali-Maraykan ah.

 

Muniira Khaliif oo ka qalin jebisay Dugsiga Minnesota High School iyo Khadra Mohamed.

 

Sidoo kale, Senotor Kaith Elinson oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga. lagana soo doortay magaalladda Minneapolis  ahna Xildhibaanka keliya ee Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa ka qeyb galay casuumaada afurka ee xalay lagu qabtay Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.

 

Dhaqanka casuumaadda ee Aqalka Cad lagu casuumo Muslimiinta xilliga Ramadaanka waxaa markii ugu horreysay bilaabay Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Bill Clinton. Kadibna waxaa arrinkaasi raacay  Madaxweynayaashii ka dambeeyey ee kala ah

George W. Bush iyo  Madaxweynaha xilligan Barack Obama.

Casuumaadda noocaasi ayaa loogu dan leeyahay in lagu wanaajiyo   Xiriirka  Dowladda Maraykanka iyo Jaalliyadaha Muslimiinta ku nool gudaha dalka Maraykanka.

Xigasho: worldreportnow.com

 

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts