HomeWararMid ka mid ah Dagaalamayaashii Alshabaab ee dhawaan ciiddanka Kenya la dagaalamay...

Mid ka mid ah Dagaalamayaashii Alshabaab ee dhawaan ciiddanka Kenya la dagaalamay oo la sheegay in la qabtay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boientt ayaa sheegay inay nin lala xiriirinayo Alshabaabkii dagaalamay ku qabteen Degmadda Fooy. Isagoo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Mombasa ayaa waxa uu tilmaamay in la qabtay Eedeysanaha xilli uu doonayey inuu iska soo dhayo dhaawac rasaaseed, waa sida uu hadalka u yiri. Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanaha […]

- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boientt ayaa sheegay inay nin lala xiriirinayo Alshabaabkii dagaalamay ku qabteen Degmadda Fooy.

Isagoo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Mombasa ayaa waxa uu tilmaamay in la qabtay Eedeysanaha xilli uu doonayey inuu iska soo dhayo dhaawac rasaaseed, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanaha uu sheegay inay dhaawacyadda rasaasta ku soo dheceen xilli uu ku sugnaa dalka Koonfurta Afrika.

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, waxa kaloo uu sheegay inay heleen Muuqaal Video oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka duubeen iska horimaadkii ay Axaddii hore la galeen Ciiddanka Kenya, wuxuuna intaasi ku daray inay  ka heli doonaan xogta ku aadan sawiradda Dagaalamayaashii ka qeyb galay iska horimaadkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa soo bandhigay Sawirradda Dagaalamayaal Alshabaab oo ay sheegeen inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii ka dhacay duleedka Laamu.

- Advertisement -

Waxaa sawiradda la baahiyey ka mid ahaa Muwaadin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Ahmed Muller, kaasi oo ay Dowladda Kenya madaxiisa dul-dhigtay abaalmarin dhan 100,000 oo Dollar.

Xigasho: Standardmedia

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories