HomeWararDhageyso: 10 Askari Oo Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Gobolka...

Dhageyso: 10 Askari Oo Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Shilka gaari oo ahaa mid aad khasaare u geestay ayaa ka dhacay deegaanka Turaaq ee gobolka sool.

Gaariga shilka galay ayaa nuuciisa ahaa baabuurta loo yaqaano Bagaazaha ee ay isticmaalaan ciidanka,islamarkaana lagu rakibo qoryaha lidka diyaaraha ah ee Zooga.
Khasaaraha shilkaasi ayaa lagu sheegay in ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 Askari,halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen ciidamadda ayaa ahaa kuwa Maamulka Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa durba booqday cisbitaalka lagu dabiibayo ciidamadda dhaawaca waxaana dhanka kale uu Tacsi u diray ehelkii ay ka baxeen askarta maanta ku geeriyootay shilka gaari.
Dhacdadan ayaa ah mid ay aad uga naxeen shacabka reer puntland taas oo ay ku tilmaameen musiibo.
Dhinaca kale xaalada caafimaad ee askarta dhaawaca ayaa la shaaciyay in ay aad u daran tahay oo qaar kamida askartaasi ay laamaha caafimaadka shaaciyeen in dalka waxba looga qaban karin.
Ciidamadda shilka ku le’day ayaa dhawaan tababar loogu soo xeray xerada tababarak ciidamada Puntland ee ku taal Deeganka Bixin Gobolka Mudug.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories