HomeWararBoliska Kenya oo toogtay wiil salaadda Taraawiixda ku soo tukaday Masjid ku...

Boliska Kenya oo toogtay wiil salaadda Taraawiixda ku soo tukaday Masjid ku yaalla Mandera

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Askari ka tirsan Ciiddanka Kenya ee Kenya ayaa la sheegay inuu toogtay  wiil 14 jir ah, kaasi oo saalaadda Taraawiixda ku soo tuhkaday Masjidka Carabiya ee Degmadda Mandera. Goobjoogayaal ayaa sheegay in wiilka laga soo toogtay gaari ay wateen Boliska, xilli uu wiilku ku sugnaa albaabka Masjidka. Wiilka la toogtay ayaa lagu magacaabi jirey Abuukar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Askari ka tirsan Ciiddanka Kenya ee Kenya ayaa la sheegay inuu toogtay  wiil 14 jir ah, kaasi oo saalaadda Taraawiixda ku soo tuhkaday Masjidka Carabiya ee Degmadda Mandera.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wiilka laga soo toogtay gaari ay wateen Boliska, xilli uu wiilku ku sugnaa albaabka Masjidka.

- Advertisement -

Wiilka la toogtay ayaa lagu magacaabi jirey Abuukar Khamiis, waxaana la sheegay in garabka laga toogtay.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Guud ee Mandera ayaa sheegay inuu wiilku u geeriyooday dhiig bax.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa sheegay inaysan Saraakiisha Ciiddanka Ammaanka wax faahfaahin ah ka bixinin sababaha ay wiilkiisa yar u toogteen.

- Advertisement -

Madaxa Ammaanka ee Mandera, Aleskia Nokoyo weli kama hadlin toogashadaasi.

Dhinaca kale, toogashadan ayaa timid, iyadoo uu Madaxweynaha Kenya sheegay inuu xayiraadii bandowga ka qaaday Goballadda W/bari, si ay Muslimiinta fursad ugu helaan inay habeenkii gutaan Waajidbaadkooda Diiniga ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Xigasho: The Star

 

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts