HomeWararRaila Odinga oo sheegay inay Kenya ku soo wajahan yihiin weeraradda cusub...

Raila Odinga oo sheegay inay Kenya ku soo wajahan yihiin weeraradda cusub ee Alshabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD, Raila Odinag ayaa soo saaray Qoraal uu ugu talagalay Saxaafadd oo uu kaga hadlay musuq iyo amni la’aanta ka jirta Kenya. Waxa uu sheegay inay Dowladda Madaxweyne Uhuru ku fashilmeen inay wax ka qabtaan amni-xumida, wuxuuna xusay in weeraradda Alshabaab sii kordheen tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 2010-kii. […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD, Raila Odinag ayaa soo saaray Qoraal uu ugu talagalay Saxaafadd oo uu kaga hadlay musuq iyo amni la’aanta ka jirta Kenya.

Waxa uu sheegay inay Dowladda Madaxweyne Uhuru ku fashilmeen inay wax ka qabtaan amni-xumida, wuxuuna xusay in weeraradda Alshabaab sii kordheen tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 2010-kii.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in sannadkii 2010-kii 90 qof lagu dilay 75 weerar oo ay Alshabaab fuliyeen, wuxuuna intaasi ku daray in sannadkii 2013-kii ladiley 157 qof.

Raila Odinga waxa kaloo uu xusay in sannadkii la soo dhaafay ay dhaceen 62 weerar oo lagu dilay 290-qof.

Dhinaca kale, Raila Odinga oo mar Ra’isul-wasaare ka noqday Kenya waxa uu sheegay in weerarkii u dambeeyey ee Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ku qaadeen Xero ay Ciiddanka ku leeyihiin duleedka Degmadda Laamu muujinayso inay Kenya ku soo wajahan yihiin weeraro cusub  iyo weji rabshadaysan.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD waxa uu Madaxweyne Uhuru ku dhaliilay inuusan haba yaraatee booqasho ku tegin magaalladda Mombasa iyo W/bari Kenya oo uu xusay inay inta badan ka dhaceen weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo qaadaan Kenya.

Xigasho: The Standardmedia.com

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories