HomeWararKenya oo sheegtay inay dib u furi doonto xuduudka ay la wadaagto...

Kenya oo sheegtay inay dib u furi doonto xuduudka ay la wadaagto Somalia

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxa Ammaanka ee gobalka W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay in dib loo furayo qeybo ka mid ah xuduudka Kenya la wadaagto Somalia, si ay taasi gacan uga geysato in lala socdo gaadiidka wada shixnadaha kontorobaanka, gaar ahaan Sonkorta ee loo soo gudbiyo Kenya. Isagoo ka hadlayey Kulan ka dhacay Mandera, waxa uu tilmaamay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxa Ammaanka ee gobalka W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay in dib loo furayo qeybo ka mid ah xuduudka Kenya la wadaagto Somalia, si ay taasi gacan uga geysato in lala socdo gaadiidka wada shixnadaha kontorobaanka, gaar ahaan Sonkorta ee loo soo gudbiyo Kenya.

Isagoo ka hadlayey Kulan ka dhacay Mandera, waxa uu tilmaamay inay Ganacsatadda  sonkorta sharci-darradda, cuntada iyo hubka baadi-goobayaan inay helaan waddooyin ay ku soo galaan Kenya.

- Advertisement -

“Waxaan furi doonaa inta u dhexeysa 1 ilaa 2 kontorool ee saddexda degmo ee Mandera, Wajeer iyo Garissa” ayuu yiri Mas’uulkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Kontoroladaasi maamuli doonaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’addo kale, si loo hubiyo Shiixnadaha ka imaanayo dhinaca Somalia, loona canshuuro badeecadahaasi.

Madaxa Ammaanka ee W/bari Kenya waxa uu uga digay Saraakiisha Boliska iyo kuwa Dowladda inaysan Ganacsatadda kula heshiinin inay si dhuumaalaysi ah ku soo galaan gudaha Kenya.

- Advertisement -

Ganacsatadda Reer Kenya, Ciiddanka ka jooga Jubbooyinka iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegaa inay macaash badan ka helaan gaadiidka wada shixnadaha Sonkorta ee sida Kontrobaanka looga gudbiyo Kenya.

 

Xigasho: Thestar.co.ke

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts