HomeWararUhuru Kenyatta oo sheegay in xayiraadda laga qaadi doono Xawaaladaha Soomaalida

Uhuru Kenyatta oo sheegay in xayiraadda laga qaadi doono Xawaaladaha Soomaalida

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in xayiraadda laga qaadi doono Shirkadaha Xawaaladaha ee dhowr bilood ka hor la xiray, kadib, markii lagu eedeeyey inay taageeraan Alshabaab. Waxa uu xusay in 13-ka Shirkadood laga qaadi doono xayiraadda, isla marka la garwaaqsao inaysan ku lug lahayn Dhaqaalaha loo adeegsado falalka Argagixisadda. Waxa uu Bangiga Dhexe […]

- Advertisement -

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in xayiraadda laga qaadi doono Shirkadaha Xawaaladaha ee dhowr bilood ka hor la xiray, kadib, markii lagu eedeeyey inay taageeraan Alshabaab.

Waxa uu xusay in 13-ka Shirkadood laga qaadi doono xayiraadda, isla marka la garwaaqsao inaysan ku lug lahayn Dhaqaalaha loo adeegsado falalka Argagixisadda.

- Advertisement -

Waxa uu Bangiga Dhexe ee Kenya ugu baaqay inay la socdaan Hawlaha Shirkadaha Xawaaladaha.

Bishii April 10-dii ayey Dowladda Kenya waxay xirtay 13 Xawaalad oo ay ka mid yihiin Dahabshiil, Hodan Global, Tawakal, UAE Exchange, Kendy iyo Continental Money Transfer.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya waxa uu sheegay in dib loo eegi doono sidii Bandowga Bishan Ramadaan looga qaadi lahaa Mandheera, Garissa, Lamu iyo Gobalka Tana River.

- Advertisement -

Waxa kaloo uu ku amray Wasiirrka Arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery inay  sugaan ammaanka, isla markaana hubaal ka dhigaan inaysan Dagaalamayaasha Alshabaab weerar soo qaadin bishan Ramadaan.

Xigasho:- The Star

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories