HomeWararMadaxweynaha oo Muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Madaxweynaha oo Muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan u direy dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka. ‘’Ramadaan Kariim ayaan leeyahay dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Bishan waa bishii kheyrka, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan u direy dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.

‘’Ramadaan Kariim ayaan leeyahay dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Bishan waa bishii kheyrka, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bishii towbada, cafiska, sheydaanka oo la xiro, dadka oo naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo farabadan. Waxaana Ilaahay ka baryayaa in intaas oo dhan uu ina siiyo, fadliga bishan barakeysan ee Ramadaan awgeed’’.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka farey inay is kaalmeeyaan bishan barakeysan ee Ramadaan.

‘’Waxaan farayaa dadka Soomaaliyeed inay is kaalmeeyaan. Kuwiina liita ee Muslimiinta ah ee soomaya ee aan waxba haysan waa in la kaalmeeyaa. Aan garab istaagno dadkaasi, yeyna afurin xilli uu walaalkaaga Soomaaliyeed oo maalintii dhan soomanaa uusan haysan wax uu ku afuro. Waa inaan garab istaagnaa, waxna ka siinaa waxa aan haysano, si uu Ilaahay inoogu naxariisto’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in bishan kheyrka badan , qof walba oo muslim ah ay la gudboon tahay inuu la yimaado camal suuban, Allah ka cabsi, khushuuc iyo ilaalinta waajibaadka Ilaahay ina saarey , si loo helo liibaan adduun iyo mid aakhiro.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii u duceeyay dhammaan Muslimiinta, isagoo Ilaahay uga baryey inay helaan naxariista bishan barakeysan ee Ramadaan, kuwooda dhibaateysanna, uu Ilaahay ka dul qaado dhibka haysta.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Latest stories