HomeWararDhakhaatiirta Hindiya oo la tacaalayo gabar yar oo jirkeeda diilmo leeyihiin

Dhakhaatiirta Hindiya oo la tacaalayo gabar yar oo jirkeeda diilmo leeyihiin

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Labo isbuuc ka hor waxaa dalka Hindiya ku dhalatay gabar  yar oo miisaankeeda lagu sheegay 800 garam.

Waalidka dhalay wey diideen inay korsadaan gabadhooda.

Hooyadeeda oo la yiraahdo Mamata Dode ayaa sheegtay inay naaska jaqsiiso ama nuujiso.

Hooyadda oo 25 jir ah ayaa ku dooday inaysan haysanin gabar muuqaalkeeda nooc kale yahay.

Sidoo kale, ninkeeda oo lagu magacaabo Ajay Dode ayaa isaga diiday inuu oggolaado gabadhiisa oo 7 bilood ku dhalatay.

Awoowaha ninka dhalay gabadhaasi ayaa la sheegay inuu si gaar ah u xanaaneyo gabadhaasi, isagoo ku quudiya caanaha ariga oo uu dhalo ugu shubo.

Awoowaha oo lagu magacaabo Dilip Dode waxa uu gabadha yar ee aan weli loo magac bixinin geeyey Isbitaalku yaalla magaalladda Mumbai oo qiyaas  138 KM u jirta tuulladda ay gabadha ku dhalatay.

Waxa uu u mahadceliyey Dhakhaatiirta Isbitaalka oo daaweyn lacag  la’aan u fidiyey gabadha uu awoowaha u yahay.

“Waxaan u soo qaaday si aan u badbaadiyo, iyadoo ay waalidkeeda diideen inay korsadaan” ayuu yiri Odayga oo xoogsato iska ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay isaga iyo wiilkiisa iyo xaaskiisa rajeynayeen inuu u dhasho ilmo u caafimaad qaba sida gabadhooda curuda ee Payal oo 3 jir ah.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Wadia Hospital waxay sheegeen inay iyaga dusha u dhigteen kharajka daawada gabadhaasi oo ku kacayso lacag dhan £5,000).

Agaasimaha Fulinta ee Isbitaalkaasi, Dr Minnie Bodhanwala, ayaa sheegtay in ilmaha yar ii u muuqday ilmo fuuq baxay, waxayna rajo ka bixisay inay gabadha yar ka soo kaban doonto diifta ka muuqata.

Waxay kaloo sheegtay inay baaritaan ku samayn doonaan, isla markaana ilmaha muddo dheer lagu hayn doono Isbitaalka.

Xigasho:- The mirror.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

INDIA 1 MULUQ MULUQ2

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories