HomeWararShan qof oo Somali Kenyaan ah oo lagu dilay xuduudka Ethiopia

Shan qof oo Somali Kenyaan ah oo lagu dilay xuduudka Ethiopia

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Qoys xoolaley ah oo u naq raacatay meel ku dhow xuduudka ay Kenya la wadaagaan dalka Ethiopia ayaa la dilay.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas huwiyeen Xoolo-dhaqatadaasi, waxaana halkaasi lagu dilay shan qof, iyadoo 7  kalena lagu dhaawacay.

Weerarkaasi ayaa la sheegay inuu xalay dhacay, iyadoo dadka la dilay kala ahaayeen Aabaha qoyska, 2 wiil iyo gabar uu dhalay iyo nin kale oo ay ehel ahaayeen.

Waxaa kaloo la dhaawacay 7 qof oo ay ku jirtay Hooyada dhashay carruurta, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Mandheera.

Dhinaca kale, Madaxda Deegaanka ayaa sheegay inay dabagal ku sameeyeen kooxihii weerarka geystay, kuwaasi oo uu raadkooda galay Tuullo ku taalla dhinaca Kenya.

Ma kala cadda ujeedada loo dilay qoyskaasi oo iyagu xoolo-dhaqato ahaa, inkastoo Beelaha wada deggan halkaasi uu marar badan dhex maray dagaal ku salaysan dhul-daaqsinka iyo biyaha.

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories