HomeWararSaxafiyadda u dhalatay Kanada oo bar aqoonsatay Eedeysanaha u xiran Afduubkeeda

Saxafiyadda u dhalatay Kanada oo bar aqoonsatay Eedeysanaha u xiran Afduubkeeda

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Saxafiyadaasi oo lagu magacaabo Amanda Lindhout ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi ay siisay Wargeyska Toddobaadlaha ee The Star of Sunday ayey ku sheegtay in Eedeysanaha ay Boliska Kanada soo qabteen uu ahaa Taliyihii Kooxda afduubatay iyada iyo Saxafi kale oo u dhashay dalka Australia oo lagu magacaabo Nigel Brennan.

Saxafiyadda waxay sheegtay in Eedeysanaha Ali Omar Adeer oo ay Boliska Kanada soo qabteen uu had iyo jeer marka ay hooyadeeda la hadli jirtey uu tooreey luqunta ka saari jirey, isla markaana uu cabsi-gelin jirey.

Amanda Lindhout oo Jimcihii hore 34- sanno jirsatay waxay kaloo sheegtay inuu Eedeysanaha argagax gelin jirey hooyadeeda, si loo soo dedejiyo lacagta madax furashadda ee lagu sii daayey.

Waxay tilmaamtay inaysan filaynin inay mar kale Eedeysanahaasi arki doonto, balse ay dib u soo gocanayso falalkii xumaa ee ay Eedeysanaha iyo saaxiibadiisa iyada kula kaceen.

Suxufiyiinta Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan iyo Turjumaankooda, Abdifatah M. Elmi ayaa waxaa bishii August 23-dii ee sanandkii 2008-dii laga afduubtay duleedka magaalladda Muqdisho. waxaa afduub ahaan loogu haystay duleedka Muqdisho 460-maalmood, waxaana la sii daayey sannadkii 2009-kii, markii Afduubayaasha la siiyey lacag madax-furasho oo dhan 600,000 oo Dollar.

Dhinaca kale, Amanda Lindhout waxay qoraal aad loo iibsaday ku qortay  The New York Times Magazine oo ay kaga hadashay Maalmihii Madoobaa ee Afduubkeeda, waxayna sheegtay in la kufsaday, la garaacay, la macluuliyey, lana jir-dilay.

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories