HomeWararTahriibayaal ay Somali ku jiraan oo cuntadda ka soomay

Tahriibayaal ay Somali ku jiraan oo cuntadda ka soomay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Boliska dalka Faransiiska ayaa sheegay inay daraasiin Tahriibayaal Afrikaan ah oo loo diiday inay ka soo gudbaan xuduudka Talyaaniga ku dhaqaaqeen inaysan  cuntadda cunin.

Tahriibayaashaasi oo ku sugan Degmadda Ventimiglia ee xuduudka Talyaaniga la wadaago Faransiiska, ayaa la sheegay inay shalay bilaabeen cunto-ka-soomidda, waxayna ku goodiyeen inay hor joogsan doonaan gaadiidka isaga kala goosha dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska.

Tahriibayaasha waxay wataan Booraray ku qoran yihiin erayo ay ka mid yihiin: “Ma doonayno inaan dib u laabano, waxaan doonaynaa inaan sii gudubno, waxaan u baahanahay Xornimo”.

Tahriibayaasha ku dhaqaaqay gadoodkaasi ayaa ka soo kala jeeda Somalia, Eritrea, Sudan iyo Ivory Coast, waxayna badankooda doonayaan inay u sii gudbaan dalalka Jarmalka, Britain iyo Sweden, si ay uga helaan magangelyo qaxootinimo.

Shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ayaa la sheegay inay cunto iyo biyo u qeybiyeen haweenka iyo carruurta ka mid ah Tahriibayaasha ku xaniban xuduudka Talyaaniga iyo Faransiiska.

Ragga Tahriibayaasha ee cabashadda muujinayo waxay dhamaantooda diideen inay wax cunaan ama cabaan.

Duqa magaalladda Ventimiglia, Ernico Loculano ayaa u sheegay Telefishinka SKY TG 24 inay qaar ka mid ah Tahriibayaasha u muuqdaan kuwa goor ay ahaataba Tareen ku geli doona dalka Faransiiska.

Dhinaca kale, Boliska Faransiiska waxay u sheegeen Wakaalladda Wararka ee AFP in amar lagu siiyey inaysan Tahriibayaashaasi u soo gudbi karin Faransiiska.

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories