HomeWararSaxafi horey loogu afduubay Somalia oo soo dhaweeyey qabashadda mid...

Saxafi horey loogu afduubay Somalia oo soo dhaweeyey qabashadda mid ka mid ah kuwii uu u afduubnaa

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Saxafi u dhashay dalka Australia oo soo dhaweeyey hawlgalkii lagu soo qabtay mid ka mid ah Afduubayaashii Suxufiyiinta. Sawir-qaadihii hore ee Wargeyska Bundaberg News Mail, Nigel Brennan ayaa soo dhaweeyey wararka sheegayo inay Boliska dalka Kanada dacwad ku soo oogeen nin lala xiriirinayo afduubkii isaga iyo Saxafiyad u dhalatay dalka Kanada loogu geystay duleedka magaalladda […]

- Advertisement -

Saxafi u dhashay dalka Australia oo soo dhaweeyey hawlgalkii lagu soo qabtay mid ka mid ah Afduubayaashii Suxufiyiinta.

Sawir-qaadihii hore ee Wargeyska Bundaberg News Mail, Nigel Brennan ayaa soo dhaweeyey wararka sheegayo inay Boliska dalka Kanada dacwad ku soo oogeen nin lala xiriirinayo afduubkii isaga iyo Saxafiyad u dhalatay dalka Kanada loogu geystay duleedka magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Nigel Brennan iyo Saxafiyadda Kanadiyaanka ee Amanda Lindhout ayaa laga qafaashay duleedka Muqdisho sannadkii 2008-dii, waxaa afduub ahaan loo haystay muddo 15 bilood ah, ka hor inta aan  lacago madax-furasho ah lagu sii daynin sannadkii 2009-kii.

Nigel Brennan waxa uuu bartiisa Twitterka soo dhigay  Qabashadda Eedeysanaha inay ku noqotay war uu la-yaabo, isla markaana ay ugu dambayntii Caddaaladdu shaqeysay.

Sawir-qaadahaasi u dhashay dalka Australia waxa kaloo uu soo tweet gareeyey inay Dowladda Kanada, Boliska iyo Wakaalladda Wararka ee AFP qabteen hawl aan macquul ahayn si loo soo xiro Ali Omar Adeer oo loo yaqaano Aadan.

- Advertisement -

Nigel Brennan waxa uu ka cuddur-daartay inuusan Saxaafadda la hadli karin muddada ay socota baaritaanka dacwaddaasi.

Dhinaca kale, waxa uu ku eedeeyey WaaxdaArrimaha dibedda ee Australia inay soo dhiibaan Warbixinta Qandaraaslayaasha Ammaanka ee ay Familkiisa kireysteen muddadii afduubka loogu haystay Somalia.

Hadalkiisa ayaa soo baxay  iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka ee dalka Kanada ku guuleysteen inay soo qabtaan mid ka mid ah Eedeysanayaashii Afduubkaasi oo lagu magacaabo Ali Omar Adeer.

Eedeysanaha oo 37 jir ah waxa uu haatan ku xiran yahay Xabsi ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ottawa.

http://www.news-mail.com.au/

Latest stories