HomeWararKenya oo ka digtay weeraro ay Dagaalamaayaasha Alshabaab bisha Ramadaan ka geystaan...

Kenya oo ka digtay weeraro ay Dagaalamaayaasha Alshabaab bisha Ramadaan ka geystaan Kenya

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa soo saaray Digniin dhinaca ammaanka, isagoo sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaa inay weeraro geystaan inta lagu guda-jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxa uu farta ku fiiqay inay Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan Xarumaha muhiimka ee Dowladda,

Hay’addaha Ammaanka, Suxufiyiinta naqdiya Dagaalamayaasha Alshabaab, goobaha waxbarashadda, Kaniisadaha, Suuqyadda iyo Xarumaha Ganacsiga iyo Dugsiyadda.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inay si dhab ah u qaadanayaan Hanjabaadda Alshabaab.

Hadalka Dowladda Kenya kaga digtay weeraradaasi ayaa soo baxay dhowr maalin kadib, markii uu Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab uu shaaciyey  inay Bisha Ramadaan ku wajahan yihiin hawlgallo ay ka fuliyaan goobaha Ganacsiga iyo Dugsiyadda dalka Kenya.

Sarkaalkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Dagaalamayaasha Alshabaab beegsan doonaan goobaha W/barashadda, Ganacsiga iyo Ciiddanka Kenya ee ku sugan Goballadda Jubbooyinka.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey u sheegeen inay magaallooyinka Kenya ka dhigi doonaan balli uu dhiiggu durdurayo.

Bishii April 2-dii ee sannadkan Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerareen Jamaacadda Garissa, oo ay ku geeriyoodeen 148 qof oo u badnaa ardaydii  dhigan jirtey Jamaacadda.

©Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories