HomeCiyaarahaG/xigeenkii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta oo qaxooti ahaan isaga dhiibay...

G/xigeenkii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta oo qaxooti ahaan isaga dhiibay dalka Sweden.

Date:

Related stories

Sababta Arsenal iyo Manchester City looga saaray Wembley

Arsenal iyo Manchester City ayaa Community Shield-ka 2026 ku ciyaaraya Cardiff halkii Wembley, iyadoo la shaaciyay sababta kulanka looga wareejiyay garoonka caanka ah ee London.

Garsoore Cumar Cartan oo taariikh ka sameynaya UEFA Super Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa maanta garsooraya UEFA Super Cup-ka u dhexeeya Paris Saint-Germain iyo Aston Villa,

Japan Oo Rajo Cusub U Abuurtay Dadka somalida Ilkaha Waayay si loogu abuuro ilko cusub

Cilmi-baarayaal Japan ah ayaa bilaabay tijaabooyin bini'aadam oo ku saabsan daawo loogu talagalay in dadka ka caawiso inay si dabiici ah u koraan ilko cusub,

Atlético Madrid oo isha ku haysa Jack Grealish

Atlético Madrid ayaa danaynaysa Jack Grealish, iyadoo mustaqbalkiisa Manchester City uu mugdi ku yahay.

G/Xigeenkii XSKC, Cali Cabdi Maxamed “Shiino” ayaa lagu soo waramay inuu magangelyo qaxootinimo ka codsaday dowladda dalka Sweden. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Dalsan inuu Mas’uulkan dhowrkii Toddobaad ee la soo dhaafay joogay magaalladda Gemeva, oo uu kaga qeyb galay Shirkii Madaxda Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA ay mar kale ku doorteen […]

- Advertisement -

G/Xigeenkii XSKC, Cali Cabdi Maxamed “Shiino” ayaa lagu soo waramay inuu magangelyo qaxootinimo ka codsaday dowladda dalka Sweden. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Dalsan inuu Mas’uulkan dhowrkii Toddobaad ee la soo dhaafay joogay magaalladda Gemeva, oo uu kaga qeyb galay Shirkii Madaxda Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA ay mar kale ku doorteen Madaxweynaha Xiriirka FIFA, Sapp Blatter.

Cali Shiino waxa uu ugu dambeyntii go’aansaday inuu iska dhiibo dalka Sweden. Wararka waxay sheegayaan inuu haatan ku nool yihiin Degmadda Catarino Hollom ee dalka Sweden, iyadoo uu is dhiibistiisa taageero ka geystay Madaxa W/barashadda ee XSKC, Cali Saciid oo isagana qaxooti ahaan ugu nool Sweden.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo uu Mas’uul ka tirsan XSKC qaxooti ahaan isaga dhiibto Waddamadda Europe. Guddoomiyaha xilligan ee XSKC, C/qani Saciid Carab, waxa uu dhowr sanno ka hor iska dhiibay dalka Holland, oo uu ka soo qaatay Travel Document, kadibna uu carruurtiisa u dacwooday, iyagoo Qaxootinimo ugu nool yihiin dalkaasi.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee XSKC, Salaad Macalin Maxamed “Salaad Gaab” ayaa iska dhiibay daalka Australia, xilli uu safar Sport u aaday dhowr sanno ka hor. Waxa uu haatan u haystaa Dukumentiga Safarka ee Australia, “Travel Document” waxayna isaga iyo carruurtiisa haatan ku nool yihiin dalka Australia.

Sidoo kale, U-qeybsanihii dhinaca Saxaafadda ee XSKC, Shaafici Muxiyaddiin Islow ayaa isagana iska dhiibay dalka Britain, wuxuuna haatan ku nool yahay magaalladda London. Waxaa kaloo sidoo kale u baxsaday Ciyaaryahanno ka qeyb galayey Tartankii Olombikadda ee London.

- Advertisement -

DAAWO SAWIRRADOODA:-

© Warqabadka Dalsan Radio

ali saeed Madaxa Waxbarashadda xskc carab salaad gaab xskc shaafici (1) shiino

Latest stories