HomeWararDagalaamayaasha Alshabaab oo qarxiyey Tekniko ay Ciiddanka Kenya leeyihiin

Dagalaamayaasha Alshabaab oo qarxiyey Tekniko ay Ciiddanka Kenya leeyihiin

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay labo hawlgal ka fuliyeen nawaaxiga Degmadda Gariisa ee W/bari ee Kenya. Madaxa Ammaanka ee W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa  sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Gaari Tekniko oo ay Ciiddanka Kenya leeyihiin oo ka yimid Saldhigooda ku yaalla Deegaanka Hullugho, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay labo hawlgal ka fuliyeen nawaaxiga Degmadda Gariisa ee W/bari ee Kenya.

Madaxa Ammaanka ee W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa  sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Gaari Tekniko oo ay Ciiddanka Kenya leeyihiin oo ka yimid Saldhigooda ku yaalla Deegaanka Hullugho, kuna  sii jeeday Degmadda Garissa.

- Advertisement -

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Standard waxa uu intaasi ku daray inaysan ciddina wax ku noqonin qaraaxasi, isla maarkaana ay ciiddanka ku  raadaab joogo Dagaalyahannadda Alshabaab ee weerarka geystay.

Waxa uu xusay inay xubnaha Alshabaab ka gudbeen xuduudka Somalia.

Dhinaca kale, Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay xalay gaareen Tuulladda Buula-galool oo 40-km u jirta xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

- Advertisement -

Madaxa Ammaanka ee W/bari Kenya, ayaa sheegay inay Dagaalamayaal  tiradooda lagu qiyaasay 10 qof  ay soo galeen Tuulladdaasi, isla markaana ay oday ka mid ah dadka Deegaanka ka codsadeen inuu geeyo goob Masjid laga dhisayey.

Mohamoud Salah waxa kaloo uu  sheegay inay Alshabaab rasaas ku fureen shaqaalihii dhismaha, kuwaasi oo uu xusay inay ka baxsadeen weerarkaasi.

Shaqaalahaasi oo tiradoodu dhamayd 7 qof, oo aan u dhalanin deegaanka ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhulka hawdka, oo ay ugu dambeyntii Ciiddanka Ammaanka ugu soo gurmadeen.

Weerararadaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Alshabaab dhawaan shaaciyeen inay kordhin doonaan weeraradda ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts