HomeWararAskar Kenyaati iyo dagaalyahanno Alshabaab oo is-dilay

Askar Kenyaati iyo dagaalyahanno Alshabaab oo is-dilay

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Afhayeenka Milliteriga Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa sheegay inay Dagaalyahanno Alshabaab iyo Ciiddan ka tirsan Milliteriga Kenya waaberigii hore ee saakayto ku dagaalameen Saldhigga ay ciiddamadu ku leeyihiin Degmadda Baure oo 39 KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmadda Baragoni.

Waxa uu tilmaamay in iska horimaadkaasi lagu dilay  11-Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo labo ka mid ah ka soo jeedaan dalalka la isku yiraahdo Caucasian.

Afhayeenka waxa uu ugu baaqday dadka deegaanka inay Ciiddamadda ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan dad u baahan kaalmo daaweyn, isagoo ulajeeday haddii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka dhaawacmay weli ku  sugan yihiin deegaano aan ka dheerayn halkii lagu dagaalamay.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay gacanta ku dhigeen 13 qori nooca AK 47, 5 qoriga RPG iyo 8 bam gacmeed, waa sida uu hadalka u yiri Afhayeenkaasi.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashadaasi.

Weerarka Alshabaab waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo berrito ku beegan tahay sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii ay Dagaalamayaasha Alshebaab weerareen Mpeketoni iyo Lamu ee dalka Kenya, laguna dilay ugu yaraan 50-qof.

Xigasho:- The Standardmedia

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories