HomeWararWFP oo dhimayso cuntada deeqaha ee la siiyo Qaxootiga ku nool...

WFP oo dhimayso cuntada deeqaha ee la siiyo Qaxootiga ku nool Dhadhaab iyo Kakuma

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Barnaamijka Cuntadda Adduunka (WFP) ayaa qorsheynaysa in la dhimo cuntooyinkii loo qoondeeyey Qaxootiga Soomaalida iyo  kuwa Koonfurta Sudan ee ku nool Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma ee W/bari Kenya.

Hadal maanta ka soo baxay Ku-simaha Wakiilka Hay’adda WFP u jooga dalka Kenya,  Thomas Hansson ayaa ku micneeyey  dhimista cuntooyinka la siin jirey Qaxootiga inay u sabab tahay iyadoo ay yaraadeen deeqahii lacageed ee lagu fulin jirey.

Thomas Hansson WFP waxa uu walaac ka muujiyey cunto-dhimistaasi oo  socon doonta ilaa bisha September ee soo socota, haddii aan la helin lacag badan.

Waxa uu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay kaalmo lacageed oo dhan 12.4 million oo dollar, si loogu furdaamiyo xaallad xumida cuntada Qaxootiga e bilaha August iyo Swptember.

Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Koonfurta Sudan ee ku jira Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakumo oo tiradooda lagu qiyaaso 500,000 oo qof ayaa waxaa bil kasta loo qeybiyaa cunto miisaankeedu dhan yahay 9,300 mitiric tons, laguna qiimeeyey 9.6 million oo Dollars.

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories