HomeWararRag lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ee Jaamacadda Garissa oo mar kale beeniyey...

Rag lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ee Jaamacadda Garissa oo mar kale beeniyey eedeyntaas

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Maxkamadda magaalladda Nairobi waxaa maanta oo Khamiis ah la soo taagay Afar nin oo Soomaalida Kenya deggan ah iyo Nin u dhashay dalka Tanzania, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay wax ka abaabuleen weerarkii ay Alshabaab bishii April 2-dii ka geysteen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148 qof oo Arday u badnaa. Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda magaalladda Nairobi waxaa maanta oo Khamiis ah la soo taagay Afar nin oo Soomaalida Kenya deggan ah iyo Nin u dhashay dalka Tanzania, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay wax ka abaabuleen weerarkii ay Alshabaab bishii April 2-dii ka geysteen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148 qof oo Arday u badnaa.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo  Mohammed Ali Abikar,  Hassan Edin Hassan, Sahal Diriye Hussein, Mr Osman Abdi Dagane iyo Rashid Charles Mberesero waxay beeniyeen inay ka dambeeyeen weerarkii Jaamacadda Garissa ama ay ku lug leeyihiin ammaan la’aanta ka jirta Kenya.

- Advertisement -

Madaxa Xeer-beegtida qaadaysay dacwadda, Daniel Ogembo ayaa diiday in Eedeysanayaasha lagu sii daayo damiin, wuxuuna xusay inay khatar ku yihiin ammaanka dadka.

Waxa uu iska dhega-tiray Eedeysanayaasha oo wada cawday in had iyo jeer lagula kaco jir-dil.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha ayaa la amray in dib loogu celiyo Xabsiga,iyadoo dacwadooda mar kale la dhegeysan doono bisha Augsut 24-da ilaa 25-da ee sannadkan.

- Advertisement -

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts