HomeWararMaraykanka iyo Somalia oo ka wada hadlay Iskaashiga Milliteriga iyo Hawlgalladda La-dagaalanka...

Maraykanka iyo Somalia oo ka wada hadlay Iskaashiga Milliteriga iyo Hawlgalladda La-dagaalanka Alshabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Marykanka, Bob Work waxa uu shalay Kulan muhiim ah la qaatay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharma’arke iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Abdulkadir Ali Diini. Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Marykanka, Bob Work  waxa uu Ra’isul-wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee Somalia markii ugu horreysay ku yeesheen  Xarunta Dhexe ee Gaashaandhiga […]

- Advertisement -

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Marykanka, Bob Work waxa uu shalay Kulan muhiim ah la qaatay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharma’arke iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Abdulkadir Ali Diini.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Marykanka, Bob Work  waxa uu Ra’isul-wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee Somalia markii ugu horreysay ku yeesheen  Xarunta Dhexe ee Gaashaandhiga Maraykanka “The Pentogon” ee magaalladda Washington.

- Advertisement -

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Marykanka, Bob Work, waxa uu ku bogaadiyey Ciiddanka Qaranka Somalia guusha ay labadii sanno ee la soo dhaafay ka gaareen dagaalladda ay kula jiraan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Bob Work waxa uu hoosta ka xariiqay inay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentogan” xoojin doonaan Taageeradda ay siiyaan Nabad-ilaaliyaasha AMISOM iyo Horumarinta Ciiddanka Ammaanka ee Dowladda Somalia.

Hoggaamiyayaasha waxay Kulankooda ku lafa-gureen Hawlgalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab, iyo sidii loo sii kordhin lahaa Hawlgalkaasi.

- Advertisement -

Waxay kaloo ka wada hadleen guulaha Shirkadda Danab Companies  iyo qaabka loogu baahan yahay inay u hawlgalaan qeybaha kale ee Ciiddanka Qaranka Somalia.

Qoraal laga soo saaray Kulankooda ayaa laagu sheegay inay Madaxda Dowladaha Maraykanka iyo Somalia  ka wada xaajoodeen muhiimadda ay leedahay Taageeradda Maraykanka iyo Soomaalida ee dhinacyadda Ammaanka iyo Hawlgalladda lagula dagaalamayo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Xigasho:- DoD News, Defense Media Activity

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories