HomeWararArday Kenyaati sheegtay inuu xubin ka yahay Alshabaab oo la xiray

Arday Kenyaati sheegtay inuu xubin ka yahay Alshabaab oo la xiray

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Boliska Degmadda Kakamega ee dalka Kenya ayaa sheegay inay xireen Arday dhigta Fasalka saddexaad ee Dugsiga Sare ee Mukumu Boys’ High School ee Degmadda Kakamega.

Ardaygaasi oo magaciisa la qariyey sababo la xiriira isagoo aan qaangaar ahayn ayaa Boliska u sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab, balse uu haatan ka soo baxsdaday, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kaloo uu sheegay inuu Alshabaab ku biiray sannadkii hore, xilligaasi oo uu Arday ka ahaa Dugsiga Sare ee Jamhuri High School ee magaalladda Nairobi, ka hor intaysan waalidkiisa u soo wareejinin Dugsiga  Mukumu Boys.

Taliyaha Boliska Gobalka Galbeedka Kenya, Moses Ombati ayaa sheegay inay Saraakiisha baaritaan ku hayaan haddii ay wax ka jiraan sheegashadda Ardaygaasi u muuqday qof  is-ciil kaambiyey.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayuu tilmaamay inay baarayaan xog uu Ardaygaasi ku sheegay inay jiraan saddex arday oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo qorsheynaya inay weerar geystaan.

Taliyaha waxa uu sheegay inay sameeyeen baaritaano, balse aysan helin hubka la sheegay inay Arday kale haystaan.

Dhinaca kale, Maamulaha Dugsiga Mukumu Boys, Dennis Munendo ayaa sheegay inuu Ardayga u sheegay inuu ka tirsan yahay Alshabaab, isla markaana uu horey tooreey ugu dilay Arday kale oo  ka tirsan Alshabaab, waa sida uu Maamulka u sheegay Wargeyska The Standard.

Sidoo kale Maamulaha waxa  uu Ardayga ka soo xigtay inuu maydkii ku xooray  dhulka kaymaha leh ee Ngong’ Forest.

Xigasho: The Standard

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories