HomeWararWasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kaga qeybgalaya dalka Talyaaniga Shir ku saabsan...

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kaga qeybgalaya dalka Talyaaniga Shir ku saabsan horumarinta

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Aliayaa kaga qeybgalay maanta Magaalada Milan ee dalka Talyaaniga Shirka Qaramada Midoobey ee dowladaha horumarkoodu hooseeyo (LDCs) ee ku yaala Saxaraha weyn ee Africa oo ay martigelineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga , iyadoo ay maal-gelinayaan hey’adda horumarinta Iskaashiga u qaabilsan Talyaaniga iyo Xafiiska Wakiilka sare ee Q.M ee dowladaha horumarkoodu hooseeyo ( UN-OHRLLS).

Shirkani oo ah heer Wasiir , ku tala-galkiisuna yahay inuu socdo maalmaha (June 8-10), ayaa huwan hindisaha EXPO Milan 2015 oo diiradda saaraya cunnada iyo tamarta, waxa uu sidoo kale ku soo beegmayaa xilli bishii December , sanadkii hore 2014 lagu qabtay Magaalada Kathmandu ee dalka Nepal kulan heer Wasiir ah oo dowladaha horumarkoodu hooseeyo ee ku yaala Asia- Pacific .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo shir-gudoomin doona qeybta shanaad (session 5) ee Shirka, kulan hordhac ahna la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H.E. Paolo Gentiloni , ayaa madasha shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo hanaanka nabad-gelyo iyo horumar ee dalka .

H.E. Khaled Omar Ali ayaa xusay in Soomaalida maanta ay ka duwantahay Soomaalidii shalay, waxa uu yiri “ Xukuumadda Federaalka oo kaashaneysa shacabkeeda waxa ay horumar balaaran ka sameysay la dagaallanka argagixisada iyo xasilinta dalka”.

Waxa uu intaa sii raaciyay “ dalkeygu waxa uu leeyahay kheyraad badan oo dabiici ah, sidaas darteed waxaan ku dhiirigelinayaa dowladaha, hay,adaha caalamiga , Shirkadaha iyo ganacsatada Taliyaaniga in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya”.

Waxa uu sidoo kale rajo badan ka muujiyey in ay Soomaaliya xilli dhow guul ka gaari doonto ujeeddooyinka horumarka ee Kunka (MDGs) , kana bixi doonto dowladaha heerkooda hormarineed uu hooseeyo ( LDC category), iyadoo Soomaaliya ay ku faaneyso firfircoonida , awoodda iyo hal-abuurka ganacsatada Soomaaliyeed oo ka sareeya dhiggooda shisheeye .

Waxaa la qorsheeyay in mudada shirka uu ka socdo Magaalada Milan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga , Wakiilo ka tirsan Qaramada Midoobey iyo Wakiilada qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ee lagu cazuumay ka qeybgalka shirka.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories